Labada Koox Ee Ugu Awoodda Badan Tartanka Champions League Xilli Ciyaareed Kaan

0
74

Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa u magacaabay Arsenal iyo Bayern Munich inay yihiin labada kooxood ee ugu waxqabadka fiican tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan ilaa hadda.

Carragher wuxuu sidoo kale sheegay in kooxda Gunners ay ka mid tahay afarta ama shanta kooxood ee ugu cadcad ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedkan.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka CBS Sports kadib markii Arsenal 4-0 ku xaaqday Atletico Madrid, Carragher ayaa yidhi:

“Hadda, waxaan u maleynayaa in Arsenal iyo Bayern Munich ay yihiin labada koox ee ugu waxqabadka fiican markaad eegto qaab ciyaareedkooda horyaalka gudaha iyo waxa ay ka sameynayaan Champions League.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Waxaan hore uga iri barnaamijkan in aanan waligay Arsenal u arkin koox Champions League ah.

Waxaa laga yaabaa inay u muuqato mid iska cad sababtoo ah waligood ma aysan ku guuleysan tartanka, balse mar walba waxaan dareemayay in wax ay ka maqan yihiin; waligood si dhab ah uguma aysan dhowaanin koobka.”