“Muddadii aan Xilka Hayey, Maanta Waa Maalinti iigu Farxadda Badnayd!!!”

0
72

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo si rasmiya u soo xidhay shirka nabada ee Sanaag

Ceerigaabo (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay si rasmi ah u soo xidhay Shirweynihii Nabadda ee Beelaha Wada Dega Gobolka Sanaag, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyey si xasilloon uga socday magaalada Ceerigaabo. Taas oo gobolka u horseeday guul waarta oo ku saleysan nabad, midnimo iyo is-afgarad qaran.

Madaxweynuhu waxa uu madasha xidhitaanka shirkan ka jeediyey khudbad dhaxalgal ah oo isugu jirtay mahacelin, dardaaran, duco iyo yididiilo qaran, isaga oo si qoto dheer u bogaadiyey dadaalka beelaha gobolka Sanaag iyo hoggaankooda dhaqanka oo horseeday in la gaardho is-afgarad, isu-soo dhowaansho iyo heshiis qaran oo taariikhi ah.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale aad u bogaadiyey haldoorka, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Ceerigaabo ee dhexda u xidhay in la gaadho nabad waarta, iyo cid kasta oo door muuqda ka qaatay gogosha nabadda, isaga oo ballan qaaday in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta nabadda, wadajirka iyo horumarka bulshada reer Ceerigaabo iyo Guud ahaanba Gobolka Sanaag.

Shirkan nabadeed ayaa lagu soo afmeeray jawi walaaltinimo iyo isu-soo-hilow, isaga oo noqday tusaale kale oo muujinaya sida ay Somaliland ugu faanto xallinta khilaafaadkeeda taasi oo ku dhisan wada xaajood, isu tanaasul iyo garawshiiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu tilmaamay in gogosha nabadeed ee Ceerigaabo aanay suurto-gasheen haddii aan laga wada shaqayn, isagoo si gaar ah u ammaanay kaalinta Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo madax-dhaqameedka kale ee gobolka Sanaag ku lahaayeen hirgelinta iyo guusha shirka. Waxaanu yidhi “Gogosha Sanaag may hirgasheen haddii aan laga wada shaqeyn, manay suurtogasheen haddii aan Suldaan Siciid iyo madaxdhaqameedkiisu dadaalkooda iyo wakhtigooda gelin”.

Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa iftiimiyay in maalintii ugu farxadda badnayd muddadii uu talada dalka hayay ku tilmaamay in ay tahay maanta oo ay garbihiisa fadhiyaan labadii hoggaan-dhaqameed ee ugu miisaanka culus Somaliland, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble, kuwaas oo markii uu xilka la wareegay dalka ka maqnaa, waxaanu yidhi “Tobanka bilood ee aan xilka hayey maanta ayay iigu farxad badan tahay oo dhinaca bidix waxa iga fadhiyey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Midigtana waxa iga fadhiyey Ugaas Cabdirashiis Ugaas Rooble. Labaduba dalka way ka maqnaayeen markii aan xilka la wareegay maanta waxa ii farxad ah inay dhinacayga fadhiyaa.”

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku tilmaamay shirweynaha nabadda ee Ceerigaabo mid fariin cad u diraya beesha caalamka iyo dunida inteeda kale, taasoo muujinaysa in Somaliland nabaddeedu sugan tahay, shacabka dalkuna ay yihiin mid isku dan ah waxaanu yidhi “Shirkan nabaddu waxa uu beesha caalamka iyo dunida ba tusaysaa in Somaliland nabadeedu sugan tahay dadkeeduna isku dan yahay, bari, galbeed iyo dhex ba”.