Rasmi: Hansi Flick Oo Seegaya El Clásico – Racfaankii Barcelona Oo Go’aan Laga Soo Saaray!

0
78

Tababaraha kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa seegi doona kulanka weyn ee El Clásico ee Axadda ka dhici doona garoonka Santiago Bernabéu, kadib markii racfaankii ay kooxda u gudbisay si looga noqdo kaadhkii casaa ee uu qaatay kulankii Girona la diiday. Macallinka reer Jarmal ayaa labo kaadh oo jaalle ah la siiyay intii lagu jiray guushii xiisaha badnayd ee 2-1 ahayd ee ay Barca ka gaadhay Girona toddobaadkii hore, taas oo keentay in laga saaro garoonka. Maanta, RFEF (Xidhiidhka Kubadda Cagta Spain) ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Flick uu seegi doono El Clásico ee 26-ka Oktoobar.

Bayaanka RFEF ayaa lagu yidhi:

“Waxaa la go’aamiyay in la diido codsiga lagu doonayay in lagu baabi’iyo laba kaadh oo is-daba-joog ah oo uu qaatay macallin Hans-Dieter Flick. Sidaas darteed, waxaa la go’aamiyay in la dhaqan geliyo ganaaxyada anshaxa ee ka dhalanaya ka saarista garoonka, iyadoo la saaray hal kulan oo ganaax ah sida uu dhigayo Qodobka 120 ee Xeerka Anshaxa RFEF, iyo ganaaxyo dheeri ah sida uu dhigayo Qodobka 52.”

Go’aankan ayaa micnaheedu yahay in Flick aannu maamuli doonin Barcelona kulanka weyn ee ay la ciyaarayso Real Madrid.