Saraakiil Wasaarada Waxbarashada Somaliland ka Tirsan oo ka Qayb Galay Shirka Xirfaddaha Afrika

0
51

Qore Khadar Maxamud Cismaan.

Barnaamijka Waxbarashada ee  toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa  Wasaarada Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska  Somaliland  Agaasimaha Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska  Somaliland, Mudane Muxumed Cali Cumar  iyo Agaasimaha Waxbarashada Dadban ee Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska   Marwo Umalkhair Xasan Xuseen oo  ka qayb galay Shirka Toddobaadka Xirfadaha Afrika (Africa Skills Week), oo si wadajir ah ay u soo agaasimeen Ururka Midowga Afrika (African Union) iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.

Shirka oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ayaa waxa ka soo qayb galay wakiillo ka kala socday dalalka Afrika, hay’adaha caalamiga ah, iyo daneeyayaasha horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka. Waxa kale oo goobta joogay hay’adaha dhaqaale ahaan taageera barashada xirfadaha sida Banka Horumarinta Afrika (AFDB), Banka Adduunka (World Bank), GIZ, Midowga Yurub (EU), ILO, iyo kuwo kale oo badan.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  1. Dhiirrigelinta siyaasadaha xirfadaha iyo warshadaynta ee is-waafaqsan, xoojinta hababka maamulka iyo maalgelinta waxtarka leh, iyo horumarinta qaab-dhismeedyada iskaashiga qaaradda Afrika.
  2. Kordhinta tayada iyo muhiimadda barashada farsamada gacanta (TVET) — iyadoo la xoojinayo xirfadaha dijitaalka ah (Digital Skills), xirfadaha cagaaran (Green Skills), la qabWaxbarashada iyo Sayniska siga isbeddelka cimilada (Climate Adaptation), iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka haweenka, dhalinyarada iyo kooxaha nugul, si loo abuuro fursado waxbarasho oo nolosha oo dhan ah oo la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada.
  3. Xoojinta iskaashiga iyo wadaagga aqoonta iyo kheyraadka qaaradda, si loo abuuro iskaashi xooggan oo u dhexeeya dawladaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, loona dardar-geliyo horumarinta xirfadaha iyo warshadaha, ballaarinta silsiladaha qiimaha warshadaha, isla markaana la xoojiyo lahaanshaha Afrika ee ajandaha xirfadaha iyo warshadaynta.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Wasiirka Shaqada iyo Shaqo-abuurka Dawladda Federaalka Itoobiya, iyo madax sare oo ka socday Midowga Afrika, iyadoo ay goobta ku sugnaayeen safiirrada Canada, Japan, iyo Shiinaha ee u fadhiya dalka Itoobiya.

Agaasimeyaasha Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland ayaa shirka ku soo bandhigay heerka horumarka barashada farsamada gacanta ee dalka, iyo sida ay xukuumadda Somaliland mudnaanta u siisay kor u qaadista tirada ardayda iyo xarumaha TVET ee dalka oo dhan.

Waxay uga mahad celiyeen Dawladda Itoobiya deeqaha ay siisay ardayda reer Somaliland ee ku baranaya jaamacadaha iyo xarumaha TVET ee Itoobiya, iyo sidoo kale hay’adaha taageera barashada farsamada gacanta  sida GIZ, World Bank, iyo Midowga Yurub (EU) oo dhammaantood goob-joog ahaa.

Sidoo kale, shirka waxa lagu ansixiyay Qorshaha Horumarinta Farsamada Gacanta ee Qaaradda Afrika (African TVET Development Plan 2025–2034), kaas oo lagu hagayo horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka dhalinyarada Afrika.

Intii uu socday shirka, Agaasimeyaasha Somaliland waxay kulamo gooni-gooni ah la yeesheen Wasiirka Xirfadaha iyo Shaqada ee Itoobiya, madaxda jaamacadaha farsamada gacanta, iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta xirfadaha iyo dhalinyarada, iyagoo kor u qaaday iskaashiga iyo wada-shaqaynta mustaqbalka ee dhinaca TVET-ka.

Sidoo kale, waxay soo sameeyeen xidhiidho iyo iskaashi wanaagsan oo lala yeeshay dalalka Gambia, Egypt, Tanzania, Rwanda, iyo South Africa, si loo xoojiyo wadashaqaynta iyo isdhaafsiga waayo-aragnimada ee dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha cusub, iyo shaqo-abuurka dhalinyarada.