Somaliland ayaa u jahaysatay sidii ay u dhisi lahhayd qaybaha kala duwan ee kaabayaasha dhaqaalaha Dalka waxana jira hawlo badan oo arimaha la xidhiidha oo si heer sare ah uga socda Dalka kuwaas oo diirada lagu saarayo sidii wadankan yari isugu filaan lahaa dhan kasta Hadaba Qormada Arrimaha Ganacsiga ee Todobaadkan waxaan kaga hadli doonaa kulan muhiim ah oo Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ku qabatay Magaalada Hargeysa 18-kii October 2025, kulankan oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Hay’adda Cowater International ayaa ka qabsoomay Hotel Serene Savorer Premium, waxa ka soo qaybgalay daneeyayaasha iyo khubarada ku hawlan horumarinta dalxiiska, shirkadaha socdaalka iyo dalxiiska (tour operators), iyo hay’ado dowladeed oo kala duwan.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd daahfurka mashruuca horumarinta kaabayaasha Dalxiiska ee Somaliland, kaas oo diiradda saaraya:
- Dhisidda website-kii rasmiga ahaa ee dalxiiska Somaliland,
- Soo saarista siyaasadda Dalxiiska Qaranka, iyo
- Diyaarinta xeerka horumarinta Dalxiiska.
Mashruucan ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo koboca dalxiiska dalka, lana filayo inuu gacan ka geysto soo jiidashada maal-gashadayaasha, kor u qaadista adeegyada dalxiiska, iyo dhiirrigelinta ilaalinta goobaha taariikhiga ah iyo dabeecadeed ee Somaliland.
- Diyaarinta xeerka horumarinta dalxiiska.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo hormuud u ah dadaalladan, ayaa sheegay in mashruucani yahay guul muhiim ah oo kor u qaadaysa dalxiiska iyo dhaqaalaha dalka, isla markaana soo jiidan doona maal-gashi iyo fursado shaqo-abuur.
Mashruucan ayaa lagu tilmaamay tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo dalxiiska Somaliland, laguna dhiirrigelinayo ilaalinta goobaha taariikhiga ah iyo bad qabka deegaan dalxiiseedka dalka.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo shirkan ka hadlay ayaa ka waramay qiimaha uu leeyahay Dalxiiska Dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa waxaanu yidhi “wadankeenana waxaan ogsoonahay inuu qani ku yahay Dalxiiska waxaanan aaminsanahay in Haddii kor loo qaado qaybta dalxiiska uu qayb wayn ka qaadan doono dhaqaalaha dalka nolosheenan wax badan ka bedeli doon”,
“waxaynu leenahay qaybaha kala duwan ee Dalxiiska waxaynu leenahay Buuro aad u qurux badan oo waawayn,waxaynu leenahay Xeebo aad u qurux badan waxaynu leenahay jasiirado qurux badan waxaynu leenahay oo kale goobo qadiimiya iyo aasaartii hore iyo noocyada kale ee Dalxiiska, wasaaraddu iyada oo ka duulaysa mudnaanta gaarka ah ee dalxiisku leeyahay waxay go,aansatay inay la timaado Qorshe lagu horumarinaayo Dalxiiska Dalka”.
Wasiirka ayaa sheegay in hada uu jiro dhaqaale Somaliland ka soo gala Dalxiiska taas oo uu sheegay inay qiyas ahaan aad u yartahay isaga oo ku qiyaasay sanadkii inuu gaadhi karo ilaa 20.kun oo dollar balse waxa uu intaa ku daray in uu jiro dhaqaale kale oo si dadban dalka uga soo gala dalxiiska, waxaanu tilmaamay in qorshaha hada ee wasaaraddu wado uu wax badan ka bedeli doono Dalxiiska dalka waxaanu u mahad celiyey Midawga Yurub oo qayb ka ah hawshan.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, iyo wasiir Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa mudooyinkii u dambeeyey waxaay aad ugu hawlanyihiin sidii sare loogu qaadi lahaa hawlaha Dalxiiska Dalka iyo dhaqaalaha Somalilalnd xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Cheetah Conservation Fund Dr. Laurie Marker, oo ah hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa illaalinta hareemacadka, iyo horumarinta deegaanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashi ku saabsan horumarinta waaxda dalxiiska, iyo illaalinta deegaanka.
Intii uu socday kulanku, mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa la wadaagay Dr. Laurie xog faahfaahsan oo ku saabsan hawlaha waaxda dalxiiska, istiraatiijiyadda muddada dhaw iyo doorka ay ka qaadan karto kor u qaadista Dalxiiska. Dhankooda, wakiilada Cheetah Conservation Fund ayaa soo bandhigay mashaariicdii ay dalka ka fuliyeen sanadihii u dambeeyay, iyagoo xusay guulaha laga gaadhay iyo caqabadaha ay la kulmeen.
Gunaanad
Mashruuca ay sida wada jirka ah u hirgelinayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland iyo Midowga Yurub ayaa ah mid tilmaamaya tallaabooyin muuqda oo istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo waaxda dalxiiska dalka. Iyadoo uu dalku leeyahay khayraad dabiici ah, taariikhi ah, iyo muuqaal dalxiiseed oo aad u hodan ah. Xukuumadda Somaliland oo arrintaas ka duulaysa waxay dardar-gelisay diyaarinta iyo samaynta qorshayaal cad-cad iyo siyaasad rasmi ah, iyada markii hore uu dalxiisku ahaa mid aan si buuxda loo fahmin ama aan loo maalgashan.
Daahfurka mashruucan ballaadhan waxa uu muujinayaa in Somaliland si dhab ah u garowsatay muhiimadda uu leeyahay dalxiisku, ha noqoto dhinaca koboca dhaqaalaha, shaqo abuurka dhalinyarada, ama ilaalinta hiddaha iyo deegaanka. Dhisidda website rasmi ah oo dalxiiska u gaar ah, diyaarinta siyaasadda Qaranka ee Dalxiiska iyo xeerka horumarintiisa waxa ay dhisayaan saldhig rasmi ah oo iftiiminaya mustaqbalka dalxiiska Somaliland.
Sidoo kale, wada-shaqaynta lala leeyahay hay’adaha caalamiga ah sida Cowater International iyo Cheetah Conservation Fund waxa ay muujinaysaa furfurnaanta Somaliland ee iskaashi iyo horumar wada-jir ah, taas oo muhiim u ah dhisidda sumcadda caalamiga ah iyo helidda maal-gashi toos ah oo la xidhiidha dalxiiska.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur, waxa uu muujiyay hoggaan muuqda, aragti fog, iyo faham dhab ah oo ku saabsan sida ay waaxda dalxiisku uga mid noqon karto tiirarka dhaqaalaha ee Somaliland. Sida uu wasiirku sheegay, haddii si habaysan loo wajahdo horumarinta dalxiiska, waxa uu noqon karaa il dhaqaale oo muhiim u ah dadka iyo dalka.
Ugu dambeyn, mashruucan waxa uu tusaale u yahay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay u gudubto marxalad cusub oo ku saleysan koboc dhaqaale, is-kaashi caalami ah, iyo horumar joogto ah. Waxaynu rajeynaynaa in dadaalladan la bilaabay ay midho-dhal noqdaan, isla markaana ay horseedaan bulsho isku filan, deegaan la ilaaliyo, iyo dalxiis kobca.
























