Arne Slot oo Sharaxay Sababta uu Kerkez uga Doorbido Robertson

0
47

Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa sharaxay sababta uu u doorbido Milos Kerkez isagoo ka hormarinaya Andy Robertson, isagoo tilmaamay in daafaca reer Hungary uu leeyahay xoog difaac iyo shaqo jidheed oo sare. Tan iyo markii uu £40 milyan kaga soo wareegay Bournemouth, Kerkez ayaa noqday dookha koowaad ee booska daafaca bidix, inkasta oo dhaliilo laga jeediyay waxqabadkiisa weerar ahaaneed.

Slot ayaa amaanay tamarta Kerkez, isagoo ku tilmaamay “daafac adag” oo si heer sare ah uga adkaada ciyaarta hal-halka ah (one-v-one). Wuxuu sidoo kale xusay in Kerkez uu diyaar u yahay inuu sameeyo orodka kor- dhaafka, taas oo qayb ka ah qaabka ciyaar ee kooxdu adeegsanayso.

Si kastaba, Slot wuxuu sheegay in ay weli jiraan waxyaabo u baahan hagaajin, gaar ahaan xiriirka isfahamka ee u dhexeeya Kerkez iyo xiddiga garabka ka ciyaara ee Cody Gakpo, kaas oo inta badan doorta inuu gudaha u soo jaro halkii uu ka adeegsan lahaa orodka Kerkez. Dhinaca kale, Slot wuxuu ka fogaaday inuu si toos ah isbarbar dhig ugu sameeyo Kerkez iyo Robertson, isagoo sheegay in “aysan ahayn meesha saxda ah ee arrintaas lagu sameeyo.”