Xubinta kowaad ee barnaamijkeena dowladdaha hoose ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, dadaalka iyo horumarka ay masuuliyiinta dowladda hoose ee Borama ku tallaabsadeen, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa adeegyada bulshada iyo bilicda magaalada.
Barnaamijkani wuxuu iftiiminayaa sida Borama ay uga gudubtay caqabadaha horumarineed, iyadoo la hirgeliyay mashaariic muhiim ah oo laga dareemayo isbeddel muuqda xaafad walba iyo waddo walba, si loo xaqiijiyo nolol wanaagsan oo bulshada reer Borama ay ku wada noolaadaan.
Waxaa sidoo kale ku soo bandhigi doonaa qorshayaasha iyo ololayaasha cusub ee dowladda hoose ay ku doonayso inay kor ugu qaaddo adeegyada bulshada iyo nadaafadda, iyada oo shacabka lagu dhiirrigelinayo inay ka qeyb qaataan ilaalinta horumarka la gaadhay.
Magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal waxay si rasmi ah u qaaday waddadii horumarka iyo bilicda, iyadoo isbeddello muuqda laga dareemayo xaafad kasta, waddo kasta iyo adeeg kasta oo bulshada u furan, oo ay ka hirgelisay dowladda hoose ee degmada Borama.
Waxay qaybaha kala duwan ee bulshaweynta magaalada Borama, markhaati ka yihiin horumar si dhab ah loo taaban karo, taas oo ka dhigan in magaalo-madaxdu ay qaaday tallaabooyin cad-cad oo loo dhan yahay.
Waxaa si buuxda loo dhammeeyay shaqadii waddada kala qaybinaysa Degmooyinka Sheekh Cismaan iyo Sheekh Makaahiil, taas oo kamid ahayd mashaariicda ugu muhiimsan ee lagu xoojinayo isku xidhka bulshada iyo kor u qaadista muuqaalka magaalada.
Dhanka kale, waxaa si rasmi ah u bilaabmay dhismaha waddada cusub ee Degmada Sheekh Cali Jowhar, taas oo la dhigi doono roog casriga ah ee wadooyinka, taas oo astaan u noqon doonta Borama casri ah oo bilicsan.
Guddoomiyaha Degmada Sheekh Axmed Salaan Bashiir Cabdi Ibraahim iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha cusub ee Degmooyinka Sheekh Cismaan (Cabdijibaar Aadan Dugsiiye) iyo Sheekh Makaahiil (Xasan Maxamed Xasan Dharaar), ayaa kulamo isbarasho iyo qorshe-dejin ah la yeeshay gudiyada degmooyinkooda.
Intii kulamadaasi socdeen, waxaa la isla gartay qorshayaal horumarineed oo 3 bilood ah, kuwaas oo diiradda saaraya, Nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada
Duqa magaalada Borama, Mudane Maxamuud Sheekh Ibraahim Muuse, ayaa si rasmi ah u daah-furay Ololaha bilic soo celinta Borama, iyadoo wajigii koowaad lagu hirgelinayo, in meherad walba yeelato foosto qashin (Desk Bin), in laga nadiifiyo waddooyinka dhagaxaanta buux dhaafiyay iyo in laga saaro barandayaasha ku dhex yaalla waddooyinka suuqa, in hoteelada iyo goobaha baabuurta lagu dhaqo sameystaan godad bulaacadeed
Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xabaalaha Hanooninta, waddada Sariibada Axmed Guray, iyo isgoysyada suuqa, halkaas oo lagu rakibay foostooyin qashin si loo ilaaliyo nadaafadda magaalada.
“Muwaadin, waxa ugu yar ee aad ku taageeri karto horumarkan waa inaad ka ilaaliso waddooyinka quruxda badan biyo iyo qashin si cimrigoodu u raago.”Ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda hoose ee degmada Borama.
Fariintan wacyigelineed ayaa si toos ah ugu socota dhammaan shacabka reer Borama si ay ula jaanqaadaan dadaalka dawladda hoose.
Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Sheekh Cismaan iyo Sheekh Makaahiil ayaa si wadajir ah u soo xidhay tartanka kubadda cagta ee Garoonka Power, kaas oo ay dhalinyarada labada degmo si firfircoon uga qayb qaateen.
Ciyaartii kama dambaysta ahayd waxa ku guuleysatay kooxda Wardi, taasoo muujisay sida dhalinyarada Borama ay uga go’an tahay horumar, ciyaar iyo isdhexgal.
Maayarka Borama iyo Golaha Deegaanka waxay si dhow ula shaqeeyaan hay’adda Save the Children, iyadoo la qorsheynayo in la ballaadhiyo mashaariicdii hore ee lagu guuleystay, sida, shaybaadhka Xoolaha ee Saylada Borama, tababarrada Maaraynta Masiibooyinka iyo kobcinta adeegyada bulshada
Hay’adahaasi waxay qayb weyn ka yihiin taageerada joogtada ah ee horumarka magaalada.
Magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, oo ay hawl weyn ka qabatay dowladda hoose ayaa qaaday jidkii horumarka iyo iska wax u qabsada, waxa xooga la saarey mudadii ay joogeen masuuliyiinta dowladda hoose nadaafad, waddooyin casri ah, iskaashi dawladeed iyo bulsho iyo ololayaal joogto ah oo wacyigelin iyo shaqo leh
“Borama waa gurigeenna, wax walba oo qurux ahna innaga u horseedi karna, haddii aad wax dhisayso wax xafid, haddii aad aragto horumar ku biir, marka balanteenu waa Borama bilicsan oo nadiif ah”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay dowladda hoose ee degmada Borama.
Nuxurka fariintan barnaamijka waa.
Masuuliyiinta dowladda hoose ee Borama ayaa si dhab ah u dardargeliyay horumarinta magaalada iyagoo diiradda saaray nadaafadda, bilicda, iyo adeegyada bulshada.
Waxaa la hirgeliyay mashaariic muhiim ah sida waddooyin casri ah iyo olole bilic-soo-celin ah, iyadoo bulshada lagu dhiirrigelinayo inay ka qaybqaataan ilaalinta horumarka.
Dowladda hoose waxay sidoo kale wada shaqeyn dhow la leedahay hay’adaha caawinaadda bulshada, iyagoo qorsheynaya ballaadhinta mashaariicda horumarineed.
Gaba-gabadii fariinta waxay ku baaqaysaa in dhammaan reer Borama ay ka wada shaqeeyaan Borama bilicsan oo nadiif ah.






















