Nolosha Indhaha Haka Daawan, Tartanka Gal!A

0
58

Qosolka Dameerka Iyo Daalka Faraska!

Waxa jirta odhaah caalamiya oo ah :” Dameerku kama galo tartanka fardaha, laakiin mar kasta waxa uu ku qoslaa Farska guuldaraystay”.
Ujeedka ayaa ah, qofka aan tijaabo samayn, dadaalna aan samayn, khatar u badheedhin, si fudud ayuu dhaleecaynayaa kan dadaalka bixiyay oo wakhtiyada qaarkood guuldaraysta.

Xikmaddani waxay muujisaa dabeecadda Aadamiga, oo ah inay ku liitaa ku raaxaystaan guuladarad kuwa dadaalaya. Cilmi nafsiga  waxa loo yaqaan arrinkan  (Compensation Mechanism) oo macno ahaan ah qofka aan tartanka gelin in uu is weyneeyo, isla markaan hoos u dhigo kuwa dadaalka bixiyay. Laakiin aragtida falsafadda anshaxa (moral philosophy), xikmaddani waxay farrin xooggan u diraysaa qof kasta. Qiimuhu kuma jiro qosolka meel fog laga joogo garoonka tartanka, waxa qiimo leh geesinimada aad ugu jirto garoonka nolosha, xataa hadii lagaa guulaysto.

Farduhu, inkastoo ay guuldaraysan karaan, haddana waxay astaan u yihiin dadaal iyo xawaaraha tartanka. Dameerku inkasta oo uu qoslayo, wuxu joogaa meeshii hore, waxbana iskama beddelin.   Fariintu waa:

Ha noqon qof indhaha ka daawanaya nolosha isagoo kaftamaya. Gal tartanka, Dadaal, Khatar u gal. Guul ama guuldarro, waxaad mar walba ka sharaftan tahay midka aan dhaqaaqin ee iska qoslaya isagoo aan halkiisa ka dhaqaaqin.