Ruben Amorim oo Shaaciyay Xiddigaha Man United ee la Filayo inay Dhaawac kaga Maqnaadaan Kulanka Brighton

0
52

Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaa xaqiijiyay in ay jiraan shaki dhaawac oo ku aadan Harry Maguire iyo Mason Mount ka hor kulanka Sabtida ee Premier League ay la ciyaarayaan Brighton.

Amorim ayaa yidhi “Waxaan qabnaa dhowr shaki. Waxaan todobaadkan la kulannay dhibaatooyin yar oo ku saabsan Harry Maguire iyo Mason Mount. Waxay qabaan jug fudud, wax culus ma aha. Berri ayaan arki doonnaa xaaladdooda.”

Labada ciyaaryahan ayaa wali lagu qiimeynayaa diyaar-garowgooda, iyadoo United ay isku dayeyso inay sii waddo heerkoodii fiicnaa ka dib markii Maguire uu dhaliyay goolka guusha ee ay ka gaadheen Liverpool kulankii hore.

Mason Mount ayaa sidoo kale la tacaalaya dhaawac fudud oo soo jiitamayay waqti badan, balse waxa la rumeysan yahay inuu ciyaari karo haddii uu helo oggolaanshaha caafimaad ee ugu dambeeya.

Manchester United ayaa u baahan guul si ay u sii joogteeyaan tartanka boosaska sare ee Premier League.