Saadaasha Alan Shearer ee Kulamada Premier League ee Todobaadkan

0
54

Weeraryahankii hore ee xulka England, Alan Shearer, ayaa saadaaliyay kulamada wareega sideedaad ee Premier League. Usbuucaan, Arsenal waxay martigelin doontaa Crystal Palace, halka Manchester United ay garoonkeeda ku qaabili doonto Brighton.

Liverpool waxay u safri doontaa Brentford, halka Chelsea ay Stamford Bridge ku wajaheyso Sunderland.

Shearer oo la hadlay BetFair ayaa yidhi: “Chelsea vs Sunderland   Sunderland waxay xilli ciyaareedkan ku bilaabatay si la yaab leh iyagoo hadda ku jira booska 7-aad. Ma u maleynayo inay taasi sii soconayso, laakiin waa inay ku raaxeystaan inta ay socoto. Sabtida waxaan u maleynayaa Chelsea inay aad u adkaan doonto.

Saadaasha: Chelsea guul.

“Man, United vs Brighton   Kulankan waxaan u arkaa inuu barbaro ku dhamaan karo. Taasi xitaa ma noqon karto natiijo xun labada kooxood midkoodna.

Saadaasha: Barbaro.

“Brentford vs Liverpool Inkastoo uu adkaan karo, haddana waxaan filayaa in Liverpool ay qaadato saddexda dhibcood.

Saadaasha: Liverpool guul.

“Arsenal vs Crystal Palace   Inkastoo aysan Arsenal safar galayn oo ciyaartu tahay London gudaheeda, haddana mararka qaar jawiga garoonkaaga ayaa kugu jiidi kara guusha.

Saadaasha: Arsenal guul.”