Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan):- Xildhibaan Maxamuud Saalax Cabdi oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland nadadaynta dalka in uu ka bilaabay qaramayntii ciidamadii madaniga ahaa oo manta ah ciidan qaran oo dalku leeyahay isla markaana leh haybad ciidan iyo astaan qaran.
Waxaanu intaa ku daray in aanay suuragal ahayn in dalka ay ka wada jiraan ciidan qaran iyo ciidamo aan qaramaysnayn oo hubaysan.
Waxaa kale oo uu ka hadlay gogoshii nabadda ee Madaxweynaha Somaliland uu dhigay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo uu tilmaamay in ay noqotay gobol nabadeed oo hana qaaday Somaliland dadkeedana middaysay gobolka Snaagna ka saartay colaadii u uku jiray.
Waxaanu intaa raaciyay in ka xildhibaano ahaan in aanay marnaba ka maqnayn nabadaynta oo ay kala soo qayb qaateen Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan bilawgii qaramaynta ciidamada oo ay gudidii ugu horraysay ee loo saaray mudaneyaasha golaha wakilladu ay qayb ka ahaayeen.
Gogosha nabadda ee Ceerigaabona ay ka mdi ahaayeen oo qaybtooda ka qaateen oo Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada iyo mudaneyaal ka tirsan golaha wakiilada oo uu ka mid yahayba ay ka qayb qaateen.
Xildhibaanka ayaa sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu Khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.
Ugu horrayn Xildhibaanka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay nabadaynta gobolka Sanaag iyo gogoshii Nabadda ee Madaxweynuhu dhigay, ayaa yidhi. “Aad iyo aad ayay gogoshaasi muhiim ugu tahay gobolka Sanaag iyo guud ahaan Somaliland ba si wanaagsan ayaanay u soo xidhan tay,waxaanay ahayd nabad loo baahnaa,waxaanay ka mid ahayd hawlhihii nabadaynta ee Xukuumadda cusubi markii ay talada dalka la wareegtay ay bilawday oo ka soo bilaabantay qaramayntii ciidamadii madaniga ahaa si ay u noqdaan ciidamo qaran,hadday boolis tahay iyo hadday mullatari tahayba iyo asluub bao o ay uga mid noqdaan ciidamada kala duwan ee dalku leeyahaya nabadgelyadana uga shaqeeyaan,sababtoo ah suuragal maaha in dalka ay jiraan ciidamo aan ciidan dawladeed ahayn oo hadana nabad laga shaqeeyo markaa tallaabooyinkaa is daba socday ee iilaa halkaa ka soo bilaabmay ee la kowsaday bilawgii xilka xukuumadda Madaxweyne Cabdirxamaan ee u uku suuragelinayay in Somaliland nabad noqoto ayay ahayd,Madaxweynaha na aad iyo aad ayaan ugu ammaanaynaa, golaha wakiiladuna doorkooda ayay ku lahaayeen oo illaa qaramayntii ciidamada gudidii loo saaray xildhibaano ayaa xubno ka ahaa markii dambe ee qaramayntoodana xildhinaano ahaan waan ka qayb qaadanay.
Imika gogosha nabadda ee Ceerigaabo na qaybtii aanu ku lahayn waan ka gudanay oo xildhibaano ahaan waanu joognay oo illaa guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada ayaa ka mid ahaa ergada nabadda.”
Xildhibaanka oo ka hadlayay hormumarka gobolada bari ee dalka iyo doorka kaga aaddan, ayaa yidhi. Imikana wax badan ayaa laa qabanayaa oo u suura gelaya kol haddii nabadgelyadii ay sugan tay markii hore dhib ayaanay nagu ahayd oo markaanu hay’ad mashruuc horumarin ah u waydiino gobolka waxaaba dhici jirtay in ay yidhaahdaan deegaankiinu nabad ba maaha oo ma tegayno laakiin maanta taasi ma jirto oo mashaariicdii hay’aduhuna way tegayaan xukuumadduna way ballan qaadday in ay wax kasta oo ay ka qaban karto oo awoodeeda ah in dhanka horumarka gobolada bari ay mudnaanta koobaad siinayso,annagu ka xildhibaano ahaanna miisaaniadii qaranka oo dhawaan la filayo in la hor keeno golaha na dhanka horumarka gobolada bari waan ka eegaynaa waxa ugu jirana waan ku daba galaynaa Xukuumadda,waxaana naga go,an in horumar deg deg ah laga hirgeliyo gobolada bari oo uu ugu horreeyo gobolka Sanaag.”






















