Warbaahinta Ingiriiska ee The Mirror ayaa shaacisay in Sir Jim Ratcliffe, oo ah milkiile–wadaaga Manchester United, uu hakiyay wada-hadalladii ku saabsanaa suurtagalnimada ay kula wareegeyso United weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski, inkastoo tababare Ruben Amorim uu si cad u doonayo saxiixiisa xagaaga soo socda.
Amorim ayaa aaminsanaa in Lewandowski, oo khibrad ballaaran u leh kooxaha waaweyn sida Bayern Munich iyo Barcelona, uu si weyn u caawin karo horumarinta dhalinyarada kooxda, iyadoo sidoo kale uu siinayo xasillooni iyo karti goolal lagu dhaliyo ciyaaraha adag.
Si kastaba ha ahaatee, Sir Jim Ratcliffe ayaa gabi ahaanba diiday fikraddaasi, isaga oo sheegay inaannu doonayn in kooxda mar kale ku noqoto khaladaadkii hore ee lagu soo qaadan jiray xiddigo da’ ah oo mushahar sare doonaya, kuwaas oo aan wax soo–saar waara ku soo kordhin karin kooxda.
Waxaa tusaale loogu soo qaatay Cristiano Ronaldo, Raphael Varane, Edinson Cavani iyo Bastian Schweinsteiger, kuwaas oo kooxdu ku waysay lacago fara badan balse aan wax natiijo joogto ah keenin.
Lewandowski, oo 37 jir ah, waxa uu ku jiraa sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Barcelona, waxaana la sheegay inuu qaato mushahar gaadhaya ku dhawaad £540,000 todobaadkii — taasoo si buuxda uga hor imaanaysa siyaasadda dhaqaale ee cusub ee Ratcliffe uu ka hirgelinayo Old Trafford.
Qandaraaska weeraryahanka reer Poland ayaa ku eg xagaaga 2026, waxaana la filayaa inaannu kordhin doonin heshiiskiisa, taasoo ka dhigan inuu raadsan doono koox cusub dhammaadka xilli ciyaareedka. Hase ahaatee, Manchester United hadda waxay u muuqataa mid gebi ahaanba ka baxday tartanka saxiixiisa, kaddib go’aanka milkiilaha.

























