Qormada 1.aad Ganacsiga Todobaadkan waxaaynu kaga hadli doonaa muhiimadda siyaasadda xeerarka Ganacsigu dalka ay u leeyihiin sida ay u suurta gelinyaan Ganacsi leh siyaasad iyo shuruuc lagu maamulo oo dalku leeyahay isla markaana dhiiri gelinaya in dalku helo maalgashadeyaal.
Markasta oo siyaasadda xeerarka gnacsiga casriga ah dalku yeesho waxaa abuurmaysa fursado maalgashi iyo shaq abuur iyo koboc dhaqaale oo baaxaddiisa leh oo dalka u soo kordha,waxa dunidu isku aaminto kuna wada shaqaysaana waa shuruucda iyo hadba sida dalkaasu uu ugu dhaqmo ee uu u dabaqo xeerarkiisa u dejisan iyo kuwa caalamiga ah.
Hadada wasaaradda ganacsiga,wershadaha iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somalilad ayaa qaadday Tallaabo muhiim u ah Ganacsiga dalka oo ay ku soo bandhigtay qabyo qoraalka siyaasadda iyo xeerraka ganacsniga casriga ah ee Somaliland.
wasaaradda Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland taas oo dedaal ugu jirta sidii ay wadanka uga abuuri lahayd fursado badan oo ay dadku ku helaan aqoonta xeerarka Ganacsiga dalka,ayaa kulamo la xidhiidha arrimahaas ku qabtay magaalada Borama ee Xarunta G. Awdal kulankaas oo lagu daah-furay xeerarka iyo siyaasadaha ganacsiga ee cusub. ayaa waxa Munaasabadda loo qabtay oo ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Eng. Maxamuud Xuseen Aadan (Jibaake) ganacsato iyo marti Sharaf kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa xeerar iyo siyaasad ganacsi oo casri ah, kuwaas oo kor u qaadaysa maalgashiga, fududaynaysana adeegyada ganacsiga, isla markaana dhiirrigelinaya koboca dhaqaalaha dalka. Masuuliyiinta kulankaas ka qayb galay,ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam ganacsi oo hufan oo fursado u abuura ganacsatada iyo dhallinyarada Somaliland.
Xeerarka ayaa kala ah Xeerka siyaasadda ganacsiga, xeerka calaamadaha iyo magacyada ganacsiga , xeerka illaalinta macmiilka iyo xeerka iskaashatooyinka. Waxaana Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL uu sheegay in xeerarkaas loo gudbin doono Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Somaliland.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa sheegay inay Borama ka wadaan sidii kulamo ku saabsanaa xeerarka muhiimka u ah Ganacsiga dalka, Waxaanu yidhi Wasiir Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur “Muddo labada cisho ah waxaan wadnay kulammo ku saabsan sidii aan uga shaqayn lahayn qabyo-qoraallada siyaasadaha iyo xeerarka muhiimka ah ee ganacsiga dalkeena.”
“xeerarka qaar waxa ay xooga saarayeen xidhiidhka ka dhexeeya qofka ganacsadaha ah iyo qofka macmiilkiisa ah ee wax ka iibsanaya iyo sidii mid walba loo dhawri lahaa xuquudiisa, wasaaraduna waxay ku hawlanayd mudadii ay xukuumadan cusubi jirtay siyaasado dhawra iyo xeerar aanu ku wadnay dib u habayn iyo horumarin aanu ku wadnay ganacsiga dalka, waxana ugu horeeyey oo runtii ahaa markii ugu horeeyey ee la sameeyo siyaasada Qaran ee ganacsiga dalka oo mudadaa sagaalka bilood ah ee xukuumadu jirtay aanu ka shaqaynaynay oo aanu u dirnay dad khoboro ah.”
Wasiirka ayaa intaa ku daray inay sidoo kale ku hawlanyihiin xeerar kale oo uu ka mid yahay xeerka calaamadaha Ganacsiga kaas oo had iyo jeer ay ka dhashaan Murano la xidhiidha sumadaha ganacsiga.
Geesta kale Axmed Daahir oo ka mid ah Ganacsatada yaryar ee magaalada Borama ayaa aad u soo dhaweeyey qorshayaasha iyo kulamadan ay waddo wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland waxaanu tilmaamay in ay tahay wax aad loogu baahnaa oo xiligeedii yimi isaga oo intaa ku daray in inta badan ganacsatada yar yari in aanay wax aqoon ah u lahayn xeerarka iyo siyaasadaha la xidhiidha ganacsiga xataa mararka qaar ay dhacaan Murano xooggan oo la xidhiidha in la isku qabsado magac ama calaamad ganacsi taas oo hore uu u lahaa ruux ganacsade ah balse muddo ka dib uu qof kale qaatay.
Axmed Daahir ayaa wasaaradda ku aamaanay tallaabada ay qaaday isaga oo wasiir Cabdiraxmaan Xasan Nuur uga mahad celiyey dedaalka iyo hawsha uu qabtay mudadii uu xilka hayey ee koobnayd waxaanu yidhi “horta wax badan kamaan aqoon xeerarkan balse hada waxoogaa waan fahmay in kasta oo ay tahay qabyo qoraal oo aanu dhamays tirmin wali hadana waxaan aaminsanahay in uu hirgali doono oo wax badan ka bedeli doono ganacsiga dalka, aad baana loogu baahan yahay, sidoo kale waxaa jira caqabado badan oo ganacsatada yar yar ka haysta wax yaalaha ay iibinayaan iyo cidda ay ka iibinayaan ee macmiilka u ah labadaba waxaanan rejaynayaa in dhawaan laga bixi doono”.
: Maxay Macaamiishu Rabaan
Qaybta labaad ee qora waxaan ku eegi doona waxa loo yaqaano macaamiisha hadaba Addunyada maanta waxaa loo ordayaa in la helo macaamiil si macaamiil loo helana waa in la daraasadeeyo sidii loo heli lahaa, marka lahelana waa in la ogaado dabeecadahooda iyo hab-dhaqankooda. Tartanka maanta ka dhaxeeya shirkaddaha dunida waxaa lagama maarmaan noqotay in si fiican loogu adeego macaamiisha. Dabeecadaha macaamiishu waxaa ay isu bedeleyaan si xawli ah waxaana saamayn weyn ku leh isbadelka aaladaha cusub ama cilmiga wax soo saarka (technology) ee caalamaka hadba kusoo kordhaaya. Hadaba waa maxay hab-dhaqanka ama dabeecadaa macaamiishu (customer behavior). Dabeecadda macaamiishu waa barashada ama daraasaynta shaqsi, urur ama kooxi sida ay wax u xushaan, u iibsadaan ama u isticmaalaan. Taas oo macnaheedu yahay sidee, goorma, sababtee ayay macaamiili u iibsataa badeecado ama adeeg.
Dhamaanteen waxaynu nahay dad wax iibsada ama gata waxaana aynu iibsanaaa waxyaalo kala duwan, sida cunno kala duwan iyo xidhasho kala duwan, guryo kala duwan iyo gaadiid kala duwan. Hadaba hab-dhaqanka macaamiishu wuxuu ku qotamaa sida ay shaqsiyaadku go’aan uga gaadhi lahaayeen sidii ay ugu isticmaali lahaayeen wixii ay haystaan sida waqtiga, lacagta iyo awooda wax ay isticmaalaan oo faa,iido uleh. Taas oo ay ka mid tahay goorma ayay dadku wax iibsadaan, sidee ayay wax u iibsadaan,sidee ayay u isticmaalaan, siday u qiimeeyaan iyo marka ay isticmaalaan siday u tuuraan.
Suuq-geeyuhu (marketer) waa in uu fahmaa hab-dhaqanka ama dabeecadda macaamiisha ka hor inta aanu diyaarin xeeladaha suuq-gaynta (marketing startegy) ee aanu samayn kala qayb-qaybinta macaamiisha (segmentation) iyo macaamiisha uu beegsanayo (target customer).
Habka ugu fiican ee wax loo xayaysiiyaa waa nooca afka ama hadalka la isku gaadhsiiyo ee loo yaqaan (word of mouth), waana sida keliya ee xayaysiintaadu meel fog ku gaadhi karto. Tusaale ahaan haddii macaamiishu fikrad xun ka qaataan badeecadda aad iibinayso waxaan shaki ku jirin in muddo kooban la is gaadhsiinayo warka kediban ay shirkaddu waayi karto macaamiil. Waa in macaamiisha loo la dhaqamaa sidii saaxiibo ama ehel oo kale.
la soco..
























