Muhiimadda Tababarka Shaqaalaha iyo Horumarka Shaqada Qaranka

0
119

Ku soo dhowaada Barnaamijkeenna “Dhaqashada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga”, oo ah barnaamij toddobaadle ah oo Isniin kasta ka baxa Wargeyska Dawan. Waa barnaamij diiradda saaraya daryeelka xoolaha, kor u qaadista wax soo saarka gudaha, iyo horumarinta nolosha reer miyiga. Ujeeddadeennu waa in aynu bulshada ku dhiirrigelino fahamka iyo dhaqangelinta hababka casriga ah ee xanaanaynta xoolaha, si ay uga faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale iyo caafimaad ee ka jira Somaliland.

Barnaamijkeenna maanta, waxaynu diirada ku saari doonaa doorka tababaradu ay ka qaadtaan wax soo saarka, adeegbixinta, hufnaanta, maaraynta wakhtiga iyo u dabacsanaanta bulshada marka ay shaqaaluhu adeeg qabanayaan,  soo saaraha barnaamijkuna waa anigoo ah Wariye C/wahaab Daahir Xasan.

Tababarku waa laf-dhabarta koritaanka iyo horumarka hay’ad kasta ha ahaato mid dawli ah ama mid gaar loo leeyahay. Shaqaalaha si joogto ah loo tababaro waxay noqdaan kuwo leh aqoon casri ah, karti sare  hufnaana ku shaqeeya, taas oo si toos ah u kordhisa wax soo saarka Hay’adda iyo tayada adeeg bixinta bulshada.

Korodhka Wax Soo Saarka

Tababaradu waxay shaqaalaha baraan xirfado cusub, farsamooyin shaqo oo u fududeeya hawlaha ay gacanta ku hayaan, iyo sida loo isticmaalo qalabka casriga ah. Shaqaale aqoon leh wuxuu shaqadiisa ku qabtaa si degdeg ah oo sax ah, taas oo keenta in la helo wax soo saar badan iyo waqti la kaydiyo.

Korodhka Khibradda iyo Aqoonta

Marka shaqaalaha la siiyo tababarro joogto ah, waxay helaan fahan qoto dheer oo ku  saabsan shaqadooda. Khibraddaas ayaa u sahlaysa in ay xal u helaan dhibaatooyinka shaqo, go’aan sax ahna ay gaadhaan. Sidoo kale, waxay abuurtaa kalsooni iyo dhiirigelin shaqsiyeed oo kor u qaadda hannaanka shaqo.

Hufnaanta iyo Tayada Shaqada

Shaqaale tababaran wuxuu ku shaqeeyaa nidaam iyo qorshe. Tani waxay yaraysaa qaladaadka, waxayna kordhisaa hufnaanta adeegyada. Hay’adaha noocan ahi waxay noqdaan kuwo lagu kalsoon yahay oo bulshada iyo qarankuba ku faanaan.

Adeeg Wanaagsan oo Bulshada Loo Fidiyo

Tababarku ma aha oo kaliya mid shaqaalaha faa’iido u leh, balse waxa uu gaadhaa bulshada oo dhan. Shaqaale tababaran ayaa bulshada u adeega si anshax, xirfad iyo daacadnimo leh. Tani waxay sare u qaaddaa sumcadda hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Kaalinta Qaranka

Qaran leh shaqaale tababaran waa qaran xooggan. Tababaradu waxay dhisaan jiil xirfad leh oo u adeegaya horumarka dalka. Waxay sidoo kale ka qayb qaataan yoolalka waara ee qaranka, sida yareynta shaqo la’aanta, kobcinta dhaqaalaha, iyo ilaalinta tayada adeegyada dadweynaha.

Hadaba barnaamijkeena maantu maaha mid aynu diirada ku saarayno dhamaan shaqaalaha dawlada iyo kuwa ka shaqeeya meelaha gaarka loo leeyahay, balse waxa aynu ku eegaynaa maadaama barnaamijkeenu uu yahay mid aynu daaha kaga rongo dhaqashada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga oo ay qarankeena wakil uga tahay ina ay arimahaas ka shaqayso wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland.

Mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda Xannannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan gaar ah la yeeshay khabiir ku takhasusay tababarrada iyo horumarinta shaqaalaha, si ay uga wada hadlaan qorshe lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha wasaaradda.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir Ku-xigeenka, Cali Axmed Cabdi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Axmed cisman Jaamac (Tala-same). Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in lagu gorfeeyo sidii loo hirgelin lahaa barnaamij carbis iyo tababar oo dhammaystiran, kaas oo lagu kobcinayo kartida iyo waxqabadka shaqaalaha wasaaradda, looguna diyaarinayo inay si hufan uga jawaabaan baahiyaha iyo adeegyada ay wasaaraddu u hayso bulshada.

Intii uu kulanku socday, khabiir Cabdiraxmaan Gaas ayaa soo bandhigay hindise tababar oo ka kooban dhowr qaybood oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: –

Dhisidda, Horumarinta hanaanka shaqo, Maareynta khilaafaadka goobta shaqada. iyo nidaamka waxqabadka iyo maamulka shaqada, shaqaalaha ee shaqo.

Intaasi ka dib Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer miyiga ee Somaliland waa ay qabatay tababarkii waanay soo xidhay, tababarkaasi oo ahaa mid muhiim ah oo loogu talo galay kor u qaadista hannaanka hoggaaminta, maamulka iyo horumarinta shaqaalaha wasaaradda. Tababarkan oo socday muddo maalmo ah ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, waxaana xidhitaankiisa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Cumar Shucayb Maxamed, oo ay weheliyeen Wasiir Ku-xigeenka Cali Axmed Cabdi iyo Agaasimaha Guud, Axmed Osmaan Jaamac (Talo-same).

Ujeeddada Tababarka

Tababarkan oo lagu qabtay jawi dhiirrigelin iyo is-dhaafsi aqooneed ayaa ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo xirfadaha hoggaamineed iyo maamul ee madaxda sare ee Wasaaradda, si ay ugu adeegaan bulshada si hufan, isla markaana ay u maareeyaan shaqooyinka si waafaqsan qorshaha horumarineed ee qaranka.

Khabiirrada tababarka ayaa diiradda saaray hababka xalinta khilaafaadka, maamulka waqtiga, go’aan qaadashada istiraatiijiga ah, iyo nidaamka tababareed ee joogtada ah ee lagu kobcinayo awoodda shaqaalaha.

Faa’iidooyinka iyo Saameynta

Intii uu tababarku socday, waxaa la soo bandhigay hindise tababareed dhamaystiran, oo la fulin doono muddada soo socota, kaas oo ujeeddadiisu tahay in shaqaalaha Wasaaraddu si joogto ah u helaan aqoon cusub iyo tababaro kor u qaada waxqabadkooda.

Dhankooda Ka qaybgalayaasha ayaa waxay muujiyeen firfircooni, wada shaqayn iyo aqoon isdhaafsi, iyagoo sheegay inay ka faa’iidaysteen xirfado cusub oo ay si toos ah ugu dabaqi doonaan shaqooyinkooda maalinlaha ah.

Hadalladii Xidhitaanka

Markii la soo gebogabeeyay tababarka, khubarradii bixisay tababarka, oo ay kamid ahaayeen Cabdiraxmaan Buraale iyo Cabdiraxmaan Gaas, ayaa ku booriyay madaxda iyo shaqaalaha tababarka qaadanayey inay dhaqangeliyaan aqoonta ay barteen isla markaana ay noqdaan tusaale togan oo lagu daydo.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Cabdikariim Yuusuf Daahir oo ka socday Mashruuca WFP, iyo Ridwaan Cismaan Maxamed oo ah madaxa mashruuca ee Wasaaradda, kuwaas oo sheegay sida tababarkani u yahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo awoodda shaqaalaha, gaasime-yaasha waaxyaha wasaaradda iyo isuduwayaasha gobolada u jooga wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga.

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay istiraatiijiyadda guud ee Wasaaradda ee horumarinta shaqaalaha iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu dhisayo aqoon iyo xirfado shaqo oo waara, si loo xaqiijiyo isbeddel muuqda oo dhinaca maamulka iyo adeegyada bulshada ah.

Macalinka bixinayey tababarka hogaaminta, qorshaynta iyo Xalinta khilaafaadka Cabdiraxmaan Cali Xirsi Buraale ee ay qaadanayeen agaasime waaxeedyada iyo isuduwaayaasha gobolada ee wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey muhiimada uu u lee yahay tababarku madaxda iyo shaqaalaha Hay’addaha iyo qaybaha uu ka koobnaa tababarka ay bixinayeen.

Waxanu sheegay in tababarkan laf dhabar ay u ahayd hogaaminta taasi oo lagu lafagurayey sidii wasaarad ahaan ay qaranka ugu hogaamin lahayd xoolaha iyo horumarinta reer miyiga ka shaqaynta deegaanka, qurxintooda, wax soo saarkooda, dhoofintooda iyo sidii loola macaamili lahaa dadka shisheeyaha ah wasaaraduna ay u noqon lahayd tii lagaga dayan lahaa hogaaminta wanaagsan iyo shaqo wanaaga.

Si hadaba qodobkaa hore u hirgalo waxa lagama maarmaan ah in lays waafajiyo qorshaha wasaaradda iyo aqoontahogaamineed ee lagu qaadanayey tababarka si ay ay suurtagal u noqoto hogaaminta la doonayo iyo sidii shaqada loo jajabin lahaa si loo rumeeyo yoolka tababarka laga lahaa oo ah in la gaadho halka ugu dambaysa oo ah uqabashada bulshada adeeg hufan, dabacsan, aqoon ku dhisan isla markaana masuuliyadi ku dheehan tahay.

Waxa laga maar maan ah marka shaqo la qabanayo ama ba la doonayo in adeeg la bixiyo waa in uu jiraa Han, Hiigsi, hindisayaal la fulinayo, sida khilaafaadka loo xaliyo, maareeyo, yareeyo taasi oo rajada ka dhigaysa mid ina gaadhsiinaysa halka aynu u socono.

Gabogabadii

Waxaa inoo soo gebogaboobay barnaamijkeennii maanta ee “Dhaqashada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga”, kaas oo aynu diiradda ku saarnay doorka tababarku ku leeyahay kobcinta wax soo saarka, tayada adeegyada, iyo hufnaanta shaqaalaha, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa aynu si qoto dheer u aragnay in tababarku yahay furaha guusha shaqaalaha iyo horumarka qaranka. Shaqaale si joogto ah loo tababaro waa kuwo leh aqoon cusub, karti shaqo, iyo faham casri ah oo u suurto geliya inay bulshada u adeegaan si hufan, isla markaana ay sare u qaadaan sumcadda iyo waxqabadka hay’adaha ay matalaan.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa tusaale u noqotay hay’ad si dhab ah u fahamtay muhiimadda tababarka, iyadoo mar walba ku dadaasha dhisidda xirfadda iyo awoodda shaqaalaha heer kasta oo ay joogaan. Dadaalladaas waa kuwa ka tarjumaya aragti qaran oo ku dhisan kobcinta aqoonta, hal-abuurka iyo waayo-aragnimada shaqaalaha si loo helo adeegyo tayo leh oo bulshada iyo dalka u horseeda horumar waara.