Hargeysa (Dawan) Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ururka Sarriflayaasha Wadajir waxay si rasmi ah isfahan iyo heshiis uga gaadheen arrimihii ka taagnaa hawlaha dib-u-habaynta nidaamka sarrifka, gaar ahaan qodobada la xiriira fiiga ruqsadsiinta sariflayaasha iyo lacagaha deebaajiga ah ee uu jideeyay Xeernidaamiyaha cusub ee maamulka sarrifka (Xeernidaamiye Lr.03/2024).
Isfahankan rasmiga ah ee lagu gaadhay heshiiskan cusub ayaa ah astaan muujinaysa in la qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed ee dalka. Heshiiskan ayaa diirradda saaraya dib-u-habaynta hawlaha sarrifka, gaar ahaan fiiga ruqsadsiinta sariflayaasha iyo lacagaha deebaajiga ah ee uu jideeyay xeernidaamiyaha cusub ee maamulka sarrifka JSL.
Heshiiska wuxuu sidoo kale dhiirrigelinayaa iskaashi dhex mara hay’adaha dowladda iyo ganacsatada sarrifka, taasoo ka hortageysa khilaafaadka iyo jahawareerka ka dhalan kara hanaanka lacagaha iyo ruqsadaha. Sidoo kale waa tallaabo muujinaysa sida Baanka Dhexe ay uga go’an tahay hirgelinta nidaam maaliyadeed oo hufan, isla xisaabtan, iyo nidaam maaliyadeed oo la isku halayn karo.
Waxaa sidoo kale mudan in la bogaadiyo xeerarka cad iyo nidaamka deebaajiga ee la dejiyay, kuwaasoo horseedi doona in ganacsiga sarrifka uu noqdo mid hufan, ammaan ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo. Arrintani waxay gacan ka geysaneysaa xoojinta dhaqaalaha gudaha iyo kor u qaadida kalsoonida bulshada ee nidaamka lacagta dalka.
Sidaas darteed, falanqaynta Wargeyska Dawan waxay u aragtaa heshiiskan inuu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo muujinaysa aragti hoggaamineed oo waaqiciga ah, taas oo ay madaxda saree e Baanka Dhexe ay ku hagayaan horumarinta dhaqaalaha Somaliland.
Heshiiskan oo lagu soo gunaanaday wada-hadal, is-fahan, iyo tanaasul dhaxal-gal ah ayaa horseed u noqonaya qorshayaasha dib-u-habaynta suuqyada lacagaha ee uu Baanka Dhexe gacanta ku hayo. Tallaabadan ayaa ah mid tigab ii lagu dhisayo nidaam sarrif oo hufan, la isku halayn karo, isla markaana dhiirrigeliya horumarka dhaqaalaha qaranka.
Sidoo kale, waa tusaale cad oo muujinaya wada-shaqaynta iyo isfahanka u dhexeeya hay’adaha maaliyadeed iyo ganacsatada dalka, gaar ahaan sariflayaasha, taas oo ah waddada kaliya ee lagu gaadhi karo xasillooni maaliyadeed iyo horumar. Waxa kale oo ay arrintani muujinaysaa in xalinta khilaafaadka maaliyadeed ay suurtogal tahay marka dhinacyadu yeeshaan niyad wadaan iyo dulqaad.






















