Aabbaha xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, oo lagu magacaabo Mounir Nasraoui, ayaa soo dhigay fariin cusub Instagram-kiisa taas oo u muuqata digniin toos ah oo loo diray Real Madrid. Nasraoui ayaa ku qoray bartiisa twitterka. “Waan is arki doonnaa lugta labaad.” Ka hor kulankii El Clásico ee Axaddii, Nasraoui wuxuu baraha bulshada soo dhigay muuqaal isaga oo cunto karinaya, isaga oo si qosol leh u sheegay in “Lamine uu Madrid karin doono” ciyaartii ka dhaceysay Santiago Bernabéu. Si kastaba, markii Real Madrid 2-1 kaga adkaatay Barcelona, aabbaha da’yarka ayaa dadku xusuusiyay in wiilkiisu weli yahay 18 jir yar oo wax baranaya. Haddase, Mounir Nasraoui wuxuu u muuqdaa inuu ku hanjabay in ay Real Madrid ka aargudan doonaan lugta labaad ee El Clásico, taas oo dhici doonta marka ay kooxda Blaugrana ku ciyaarayso garoonkooda Camp Nou.

























