Saamaynta Erayada Wanaagsan!

0
50

“Erayga wanaagsani waa sadaqo” Waa mid macno weyn ku fadhiya. Weedhaha Fiicani waxay yareeyaan dhibka, niyadjabka iyo werwerka. Waxay taageeraan qofka dulman, qofka wareersani talo ayuu ka helaa. Dembiilahana wuxu tusaa wadada Saxda ah.

Kelmadaha wanaagsani waxay rajo wanaagsan siiyaan dadka, waxay kor u qaadaan tamartooda oo dhiirrigeliyaan.  Erayada fiicani waxay ka caawiyaan dadka arrimaha noloshooda.

Waxaa muhiim ah in aan hagaajino weedheheena, camalkeenna, iyo maalmaheenna. Weedhaha wanaagsani waxay saamayn weyn ku leeyihiin xidhiidhka iyo wada noolshaha bulshada.

Ereyga wanaagsan wuxuu samayn  karaa waxa aan daawooyinka xooggani qaban waayaan, waana nolol waarta oo aan dhammaan xitaa marka uu qofkii yidhi dhinto.