Wasaaradda Waxbarashada oo Bilowday Dedaal lagu Xoojinayo Tayada Waxbarashada Dugsiyada Dalka

0
81

Qore.Khadar Maxamud Cismaan.

 

Barnaamijka Waxbarashada Wargeyska Dawan ee   toddobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa

Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska oo  bilowday kormeer lagu xoojinayo laguna  qiimaynayo  tayada Waxbarashada dugsiyadda.

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska  Somaliland  Maxamed Yuusuf Ibraahim (Faacuul), ayaa kormeerka qiimaynta tayada Waxbarashada   ka bilaabay  Dugsiga Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf (ex-Gacanlibaax) ee Magaalada Hargeysa.waxa kormeerkiisa  ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, oo ay ka mid yihiin agaasimeyaal iyo madax xafiiseedyo, kuwaas oo si wadajir ah u eegay xaaladda guud ee dugsiga iyo habsami u socodka waxbarashada.

Intii uu socday kormeerka, waxay masuuliyiintu kulamo gaar ah la yeesheen maamulka dugsiga, macallimiinta iyo kormeereyaasha heer gobol. Maamulaha dugsiga,  Yuusuf Mataan, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda dugsiga, hab-dhiska waxbarashada, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo tayada waxbarashada. Sidoo kale, waxa uu soo bandhigay guulaha dugsigu ka gaadhay dhinacyada waxbarashada, maamulka iyo ilaalinta joogtada ardayda.

Dhanka kale, Macallin Raage, oo ka tirsan kormeerayaasha dugsiga, isla markaana ah hormuudka kormeerka dugsiga, ayaa soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta macallimiinta, diyaarinta casharrada (lesson plans), habka korjoogtaynta ardayda (student monitoring and evaluation), iyo hannaanka la-talinta iyo qiimaynta macallimiinta (teacher mentoring and evaluation). Waxa uu xusay in macallimiintu muujiyeen dadaal iyo hufnaan sare oo ku saabsan diyaarinta casharrada iyo kormeerka waxqabadka ardayda.

Sidoo kale, kormeerayaasha heer gobol ee ku sugnaa goobta ayaa soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan kormeerka iyo qiimaynta dugsiyada, iyagoo sheegay in kormeerka hadda lagu saleeyo laba qaybood oo waaweyn: kormeer kooxeed (joint inspection) iyo kormeer shaqsiyeed (individual inspection). Nidaamkan cusub ayaa lagu hirgeliyey si loo helo natiijooyin dhab ah oo lagu horumarin karo tayada waxbarashada.

Guddoomiyaha Wasaarada Waxbarashada iyo barbaarinta ee  Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Xuseen Muuse oo  isaguna goobta ka jeediyay hadal kooban ayaa xusay  muhiimadda ay leedahay nidaamka cusub ee kormeerka iyo sida uu u gacan ka geysan karo horumarinta waxbarashada gobolka.

Dhinaca  kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Imtixaanaadka Qaranka Xasan Qalinle, ayaa carrabka ku adkeeyay in qiimaynta iyo la-talinta macallimiinta ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee tayada waxbarashada lagu gaadhi karo, isaga oo ku boorriyay dhammaan kormeerayaasha iyo maamulka dugsiyada in ay xoojiyaan nidaamkaas.

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada  Maxamed Yuusuf Ibraahim (Faacuul), ayaa soo gunaanaday kulanka isaga oo sheegay in wasaaraddu dadaal dheeraad ah gelin doonto kormeerka iyo korjoogtaynta dugsiyada dalka, si kor loogu qaado tayada waxbarashada iyo anshaxa ardayda. Waxa uu ammaan u jeediyay maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf, isagoo ku bogaadiyay sida ay u hagaajiyeen bilicda dugsiga iyo jawiga waxbarasho ee hufan, taas oo uu ku tilmaamay tusaale lagu daydo oo mudan in lagu dabaqo dugsiyada kale ee dalka.