Xikmadda Maanta

0
47

 

  • Hala saaxiibin Bakhaylka , maalinta aad baahida u qabto ayuu ka baxsadaa
  • Hala saaxiibin nacas isagoo inuu wax ku atro raba ayu uku dhibaataynay.
  • Qofka khiyaamada badani, saboolnimo ayuu ku dhintaa
  • Hala saaxiibin beenalaha arrin ka fog ayuu ku soo dhowaynayaa, kuna hodayaa
  • Maaha qof kasta oo wax bartay inuu faahim yahay, mana aha qof kasta oo aan wax qorin inuu jaahil yahay. Imisa qof ayaa nolosha si xikmad leh u maamulay isagoo aan aqoon rasmi ah lahayn, imisa qof oo waxbartay ayaa iftiinkii lumiyey oo guryihii iyo noloshiiba burburiyey.
  • Daawada xanaaqu waa aamusaanta
  • Hadalkaagu maaha inuu noqdo mid la wada aqbalo, balse waa inuu noqdaa mid run ah
  • Waxaan leenahay laba dhegood iyo laba indhood, iyo hal carrab, taasina waxay ina tusaysaa in aan dhageysano oo aragno in ka badan inta aan hadalno