Midabku Maaha Sirta Kala Duwanaanta!

0
35

Ma jiro farqi u dhexeeya midabka Milixda iyo midabka sonkorta, labaduba waa caddaan.
Laakiin farqiga waxa la ogaadaa markaad dhadhamiso ee aad tijaabiso.

Aadamiguna waa sidaas oo kale, waxa keliya ee aad ku ogaanaysaa markaad la dhaqanto!

Suugaanyahanka Ruushka Leo Tolstoy, ayaa yidhi “ Mid ka mid ah nooca silica nolosha ee soo mara Aadamiga waa iyadoo maalintu si joogto ah kugu soo noqoto iyadoo aanad sidii hore waxba iska bedelin , fikrado isku mid, weedho isku  mid ah, iyo wejiyo isku mid ah oo aan waxba iskaga kordhinayn waayaha nolosha”.

Hadaladuna had iyo jeer waa waxaan qiimo lahayn ama muhiim ahayn oo dhex maraya dad si buuxda u rumaysan inay noloshoba ay sidan tahay, keliya hadal.
Way sii wadi doonaan qaabka nolosha ee hoosaysa ilaa ay ka dhintaan.

Laakiin adigu waa in aanad u dulqaadano, oo aanad la qabsan, taasi waaba ciqaabka laftiisa.  Noloshu waxay u baahan tahay inaad isbedel samayso dhinacayada fikirka, aqoonta, dhaqaalaha iyo horumarka.