Kooxdii ugu horaysay ee Ingiriis ah ee isku dayay inay koraan buurta dunida ugu dheer ee Everest waxay la kulmeen dhibaatooyin badan iyo cimilo aaad u dag. Waxaana halkaasi ku dhintay kooxda mid ka mid ah. Aad ayay uga murugoodeen dhimashadiisa, laakiina nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ayaa goostay inuu sii wado gaadhitaanka buurtaasi dusheeda si ay u dhamays tiraan hawshaasi uu la bilaabay saaxiibkood. Arinkaasina ma noqon mid suurtagalay.
Kooxda ayaa ku soo noqday magaalada London iyagoo kooxda intooda kale nabad qabaan waxaana ay ku qabteen shir jaraa’id, oo iyagoo soo bandhigay dhibaatadii ay la kulmeen iyo geerida ku timi saaxiibakood, waxaana ay ka tacsiyad u gudbiyeen qoyskiisa.
Sawirka buurta iyo wiilka dhintay ayaa goobta yaallay, ninkaasi dhalinyarada oo isku dayay inu hawsha koridda dhamaystir ee ka tirsanaa kooxda ayaa sheegay inay dhibaato tahay koridda buurtaasi laakiin aanay ka hadhi doonin oo ay maalin uun kori doonaan buurtaasi dusheeda si ay u xaqiijiyaan hadafka saaxiibkood kula dhintay.
Wiilkan ayaa mar danbe ku noqday waxaana uu xaqiijiyay hadafkaasi isagoo koray buurta ka dib markii uu adkaystay dhibaatadii iyo cimiladii adkayd ee ka jirtay goobta, isla markaana calankii dalkiisa Ingiriiska kor u taagaya. Waxaana uu buurta dusheed ka muujiyay guushiisa iyo doonistiisa birta ahayd manay jirteen buurtaasi koritaankeeda in lagu waajaho doonis adag iyo adkaysi mooyee wax kale. Dariiqa guushuna maaha mid uu Ubaxa ku goglan yahay laakiin waa mid dhib badan oo loo adkaysto, dadaalo loona sabro.

























