Iiraan Oo Maraykanka Ku Tilmaantay Soo Saaraha Ugu Khatarta Badan Nukliyeerka

0
66

Maalin uun ka dib markii uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu amray in dib loo bilaabo tijaabooyinka hubka Nukliyeerka, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi sheegay inuu aaminsan yahay in tallaabada Trump ay muujinayso in ”Maraykanku yahay soo saaraha ugu khatarsan ee hubka nukliyeerka adduunka.”

Waxa uu ku daabacay bartiisa X, Oktoober 30, Khamiis ”Iyada oo u beddelaysa magacii wasaaradda gaashaandhiga, wasaaradda dagaalka, awoodda nukliyeeka ku hubaysan ayaa bilaabaysa tijaabooyinkeeda hubka nukliyeerka.”

Shalay, Arbaco, kahor kulanka uu la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, Donald Trump ayaa sheegay inuu amray xooghayihiisa dagaalka inuu dib u bilaabo tijaabooyinka nukliyeerka si uu u ”’dheelitiro awoodda waddam ay kamid yihiin Ruushka iyo Shiinaha.” Maraykanka ayaa hakiyay tijaabooyinka muddo ka badan 30 sano.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa sidoo kale qoray ”Isla kan xoogga sheeganaya ayaa ka dhigaya barnaamijka nabadeed ee Nukliyeerka Iiraan inuu u muuqdo mid khatar ah una goodinaya inuu qaadayo weeraro dheeraad ah oo ka dhan ah xarumaha nukliyeerka ee ku hoos jira difaaceena. Dhamaan talaabooyinkan ayaa ah kuwa si cad u socda.”

Iiraan mar kasta waa ay beenisaa in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay mid milatari, ayna tahay xubin NPT (Heshiiska ka hortaga faafinta hubka nukliyeerka) oo ay xaq u leedahay inay sii waddo kobcinta yuraanyoomta iyo barnaamijkeeda nukliyeerka iyada oo hoos imaanaysa kormeerka hay’adda caalamiga ee tarmarta atoomikada (IAEA).

Balse Maraykanka, Israa’iil iyo dhowr waddan oo Yurub ah sida Britain, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa dalbanaya in barnaamijka nukliyeerka la hakiyo isla markaana kormeerayaasha IAEA loo oggolaado inay si buuxda u galaan dhammaan xarumaha nukliyeerka Iiraan.

Aragchi ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ka hortimaado go’aanka madaxweynaha Maraykanka, isaga oo ku qoray boggiisa X; ”Ku dhawaaqista dib u bilaabidda tijaabooyinka nukliyeerka waa ficil dib u noqosho ah oo aan masuuliyad lahayn, isla markaana khatar weyn ku ah nabadda iyo amniga caalamka.

Maraykanku waxa uu leeyahay hubka nukliyeerka ee ugu badan dunida; Ruushka ayaa ku jira kaalinta labaad, shiinahana waa kaalinta saddexaad. Maraykanku tijaabo nukliyeer ma samayn tan iyo 1992.

Amarkan ayaa yimid maalmo ka dib markii uu Trump cambaareeyay Ruushka, sababtuna tahay tijaabo uu ku sameeyay gantaal Nukliyeer oo leh ”masaafo aan xad lahayn.”

Qoraalkiisii habeenkii Arbacada, Oktoober 29/Febraayo 29 ayuu madaxweynaha Maraykanku ku yidhi in ”aannu lahayn wax doorasho ah marka laga reebo inuu hormariyo hubka Maraykanka inta lagu jiro muddo xileedkiisii u horreeyay ee xafiiska.” Isaga oo garowsan ”awoodda burburinta weyn” ee hubka nukliyeerka.

Wuxuu sidoo kale ku daray in barnaamijka nukliyeerka ee Shiinaha ” uu lamid noqon doono kan Maraykanka shanta sano ee soo socota.”

Trump ma bixin faahfaahin la xidhiidha sida tijaabooyinka loo fulin doono, balse wuxuu qoray in ”nidaamka si dhakhso ah loo bilaabi doono”

Go’aankan waa is-beddel cad oo ku yimid siyaasaddii muddada dheer ee Maraykanka.

Tijaabadii u dambaysay ee nukliyeerka Maraykanka ayaa dhacday Sebtember 23, 1992, kahor intii aanu madaxweyne George H.W. Bush joojin tijaabooyinka, iyada oo wakhtigaasi uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa