Barnaamijka Deegaan-jire ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doonaa kormeer shaqo oo muhiim ah oo uu ku tegay qaar ka mid ah gobollada Bariga Jamhuuriyadda Somaliland Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Dr. Axmed Aw-Daahir.
Kormeerkan oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee wasaaraddu ku ilaalinayso nadaafadda, dhirta iyo deegaannada dabiiciga ah ee dalka, ayuu wasiir-ku-xigeenku ujeeddadiisu ahayd in uu si dhow ugu kuurgalo xaaladda deegaanka, gaar ahaan sida loo wajahayo xaalufinta dhirta iyo daaqa,Hababka loo tacaalayo dhibaatooyinka deegaanka iyo isbeddelka cimilada,Iyo sida ay u socoto shaqada iyo qorshayaasha wasaaradda ee laamaha gobolladaas.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Maxamed Aw-Daahir, oo hoggaaminayey wefti ballaadhan oo ka kooban Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Agaasimaha Cududda Shaqaalaha, iyo La-taliyaha Wasaaradda, ayaa safar shaqo ku maray qaar ka mid ah gobollada dalka.
Safarkan ayaa qayb ka ah barnaamijka kormeerka joogtada ah ee Wasaaraddu ku hubinayso hannaanka shaqo ee xafiisyadeeda gobollada, qiimaynta mashaariicda deegaanka, iyo xoojinta wada-shaqaynta maamulka gobollada iyo hay’adaha deegaanka ee heer qaran iyo heer gobol.
Weftiga ayaa safarkoodii ku bilaabay magaalada Berbera, xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo ay ku booqdeen xafiiska Badhasaabka gobolka Saaxil, wasiir-ku-xigeenka iyo weftigiisa ayaa kulamo la qaatey maamulka gobolka, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha la xidhiidha ilaalinta deegaanka, qorshayaasha ka hortagga xaalufka dhirta, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada ee dhinaca deegaanka.
Sidoo kale, weftigu waxay kormeer ku tageen xafiiska Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka Saaxil, halkaasi oo ay kula kulmeen shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaradda ee gobolka, una kuur galeen hannaanka shaqo iyo mashaariicda deegaanka ee ka socda halkaasi.
Kadib, Wasiir-ku-xigeenka iyo weftigiisu waxay sii wateen safarkoodii, halkaasi oo ay u jihaysteen magalada Burco, xarunta gobolka Togdheer. Safarkooda ayaa ku bilowday booqasho rasmi ah oo ay ku tageen xafiiska Maamulka Gobolka Togdheer, halkaas oo ay kulan kula yeesheen maamulka gobolka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo adkayn lahaa iskaashiga ku saabsan ilaalinta deegaanka, la-dagaalanka xaalufka, iyo xakamaynta degsiimooyinka sharci darrada ah ee ku fida deegaannada gobolka.
Weftiga ayaa sidoo kale kormeeray xafiiska wasaaradda Deegaanka ee gobolka Togdheer, halkaasi oo ay kula kulmeen shaqaalaha wasaaradda ee gobolka, uguna kuur galeen hawlaha maalinlaha ah iyo mashaariicda socda iyo sida ay shaqaalaha wasaaradda ee gobolku ugu dedaalayaan shaqada Qaranka iyo la dagaalanka Isbadelka Cimilada iyo xaalufka dhirta.
Intii ay ku sugnaayeen gobolka Togdheer, Wasiir-ku-xigeenka iyo weftigiisu waxay booqdeen Banka Cawl iyo Banka Aroori, halkaas oo Wasaaraddu ka hirgelisay taangiyo biyo qabasho iyo barnaamijyo dib-u-dhirayn ah oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo deegaanka iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka ayaa magaalada Burco ka daah-furay diyaarinta Qorshaha Istaraatiijiyadda (2026–2030) ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL, kaasi oo diiradda saaraya ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah, dib-u-dhiraynta, iyo la-dagaalanka saameynta cimilada.
Weftiga wasiir-ku-xigeenka ayaa safarkooda ku soo gebo’gabeeyey gobolka Daadmadheedh, xaruntiisa Oodweyne, halkaasi oo ay kullamo ay la yeesheen maamulka gobolka iyo shaqaalaha wasaaradda Deegaanka ee halkaasi ka hawlgala.
Intii ay ku sugnaayeen Oodweyne, Wasiir-ku-xigeenka iyo weftigiisu waxay soo kormeereen mashaariic ay Wasaaraddu ka fulisay gobolka, kuwaasi oo la xidhiidha ilaalinta deegaanka, dhiraynta, iyo maaraynta biyaha roobka.
Safarkan shaqo ee uu hoggaaminayey Wasiir-ku-xigeenku wuxuu qayb ka yahay dedaallada joogtada ah ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL ee lagu xoojinayo maamulka deegaanka, la-qabsiga isbeddelka cimilada, iyo horumarinta barnaamijyada dib-u-dhiraynta dalka oo dhan.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladu waxay mar walba ka go’an tahay ilaalinta deegaanka, dardargelinta qorshayaasha horumarineed, iyo kobcinta wacyigelinta bulshada ee ku aaddan ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.






















