Trump Oo Tallaabo Milatari Ugu Hanjabay Dal Afrikaan Ah Oo Uu Xagjirnimo Islaami Ah Ku Eedeeyay

0
72

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay inuu qaadayo tallaabo milatari haddii dalkan ku yaalla Afrika aannu samayn waxyaabaha uu u soo jeediyey.

Trump ayaa sheegay in uu ku amray Pentagon-ka in ay u diyaar garoobaan tallaabo suurtagal ah, isaga oo sheegay in ay noqon doonto ‘mid deg deg ah’ ba’an oo samayn leh’, isagoo dalkan ku tilmaamay ‘ dal ceeb leh’

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanku ay si dhaqso ah u joojin doonto dhammaan caawimada iyo taageerada la siiyo Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika iyo soo saaraha ugu weyn ee saliida.

Qoraalkiisa ayuu ku sheegay Trump in tallabooyinka milatari uu qaadayo haddii dowladda Nigeria aannay wax ka qaban si ay u ilaaliso dadka Masiixiyiinta ah weerarada kaga imaanaya Islaamiyiinta xagjirka ah.

Haddii Maraykanku u diro ciidan militari ,waxay noqonaysaan in ‘Qorigu si ba’an u ololiyo si gebi ahaanba looga ciribtiro argagixisada Islaamiga ah ee fulinaysa xadgudubyadan naxdinta leh,” ayuu Trump ku qoray, isagoo aan bixin wax caddeyn ah oo ku saabsan sida Masiixiyiinta Nigeria loola dhaqmo.

Aqalka Cad ayaan sidoo kale wax faallo ah ka bixinin waqtiga suurtagalka ah ee tallaabo kasta oo militariga Mareykanka ah.

Inkastoo Waaxda Difaaca ee Mareykanka iyo Aqalka Cad ay ay Reuters u dirtay si uga hadlana hanjabaadda Trump, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa soo saaray qoraal uu ku daabacay baratiisa Bulshada.

Hegseth ayaa ku qoray bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter: “Waaxda Dagaalka waxay isku diyaarinaysaa ficil. Haddii ay Dawladda Nigeria ilaalin weydo Masiixiyiinta, annagu waxaan dili doonaa Argagixisada Islaamka ee geystay xadgudubyadan argagaxa leh.”

Jimcihii, Mr. Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu Nigeria ku darayo liiska dalalka Mareykanka ee lagu eedeeyay xadgudubka xorriyadda diinta.

Nigeria ayaa horey u diiday sheegashada ah in dadka Masiixiyiinta ah lagu laayo sabab la’aan gobolka waqooyi ee ay ku badan yihiin Muslimiinta.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka ayaa markii ugu horeysay sii huriyay shakiga, iyadoo Chris Smith oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka uu bishii March ku baaqay in Nigeria lagu daro liiska dalalka walaaca laga qabo.

Sidoo kale bishii Oktoobar, Senator Ted Cruz iyo Riley Moore, oo labaduba ka tirsan Jamhuuriga, ayaa ku eedeeyay dowladda Nigeria inay gacan ka geysatay dilalka dadka Masiixiyiinta ah.

Maxay dowladda Nigeria ka tiri?

Ma jirto jawaab cusub oo ka soo baxday dowladda Nigeria ka dib hanjabaadii Donald Trump.

Balse mar sii horeysay, Madaxweynaha Nigeria Bola Ahmed Tinubu, ayaa hadal uu Sabtidii ku soo daabacay boggiisa X ku sheegay in sheegashadaasi aannay ka tarjumayn xaaladda dhabta ah ee ka jirta Nigeria.

“Xorriyada diintu waxa ay ahayd tiirkii aqoonsigayaga, wayna sii ahaan doontaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Tinubu.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Nigeria ayaa goor sii horreysay ku beenisay sheegashada Trump iyo eedeymaha ku aaddan dilka dadka Masiixiyiinta ah ee Nigeria, bayaan ay soo saartay Sabtidii.

“Nijeeriyintu waxay xor u yihiin inay si sax ah ugu dhaqmaan diintooda, ayna ku dhaqmaan caqiidadooda iyadoo aan la faragelin,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in intii uu hogaaminayay Tinubu ay dowladdiisu dadaal weyn ugu jirto la dagaalanka argagixisada iyo xoojinta iyo ilaalinta nolosha shacabka iyadoo aan la takoorin.

Dawladdu waxay sheegtay in Nigeria ay sii wadi doonto la shaqaynta Maraykanka iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo nabad waarta.

Nigeria waa dal ay muslimiintu ku badan yihiin waqooyiga, koonfurtana ku badan yihiin Masiixiyiinta.

Dalka ayaa in muddo ah waxaa hareeyay dhibaatooyin dhanka ammaanka ah, gaar ahaan fallaagada Boko Haram oo kumannaan qof ku dilay waqooyi-bari ayna barakiciyeen in ka badan laba milyan oo qof.

Nigeria ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa dhibaatada ay burcaddu dadka u afduubtaan si ay madax furasho uga qaataan gobolka waqooyi galbeed.

Sidoo kale waxaa gobolka bartaha iyo waqooyiga dalkaas ka jira iska horimaad u dhexeeya xoolo-dhaqato iyo beeraleyda, kaasoo inta badan ku xidhan diinta, kaasoo u dhexeeya beeraleyda Masiixiyiinta ah iyo xoola-dhaqatada Muslimiinta Fulani.

Xitaa intii lagu jiray xilligiisii ugu horreeyay, Madaxweyne Trump ayaa mar Nigeria ku daray liiska waddamada walaaca laga qabo, laakiin Joe Biden ayaa Nigeria ka saaray liiska 2021-ka.