Sida ay sheegeen booliska toban qof ayaa isbitaalka loo qaaday, iyadoo sagaal ka mid ah la rumeysan yahay inay qabaan dhaawacyo halis ku ah noloshooda, ka dib weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay Cambridgeshire. Weerarka ayaa ka dhacay gudaha tareen xilli rakaabku ay saarnaayeen. Lama soo sheegin wax dhimasha ah oo weerarka ka dhashay.
Boolisku waxay ku dhawaaqeen “dhacdo weyn”, waxayna xaqiijiyeen in saraakiisha ka hortagga argagixisada ay ka qeyb qaadan doonaan baadhitaanka. Dad goobjoogayaal ah oo la socday Tareenka xiliga uu shilka dhacayay ayaa warbaahinta uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen.
Goobjooge ku sugnaa tareenka xilliga uu shilku dhacayay ayaa sheegay in rakaabka ay la kulmeen “argagax ” iyadoo dhibanayaasha dhiigbaxa ay ku baaqeen in la gargaaro.
Olly Foster ayaa BBC-da u sheegay in uu markii hore maqlay dadka oo ku qaylinaya “orod, orod, waxaa jira nin si dhab ah u tooreynaya qof walba”,
Dareenkaygu wuxuu la jiraa dhammaan dadka ay saameysay, waxaana mahadnaq u dirayaa adeegyada gurmadka degdegga ah ee jawaab celintooda. Qof kasta oo ku sugan deegaanka waa inuu raacaa talada booliska.ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer. Tani waa weerar gebi ahaanba naxdin leh, waxaana dareenkaygu la jiraa dhammaan dadka ay saameysay, oo ay ku jiraan kuwa gurmadka degdegga ah ee goobta ku sugnaa.ayey tiri Kemi Badenoch, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Conservative
Dadka loo xidhay falalka noocan ah.
Ilaa hadda Labo muwaadin oo u dhashay UK ayaa la soo xidhay iyagoo looga shakisan yahay isku day dil. Booliiska ayaa hareereeyay tareenka soona qabtay labo qof muddo siddeed daqiiqo gudahood markii ay heleen wicitaanka 999. Waa labo nin oo ku jira gacanta booliiska. Waa nin 32-jir madow ah iyo 35 jir asalkiisu yahay Caribbean.
Weerarrada mindiyaha loo adeegsaday ee UK iyo Wales oo kordhay
Dambiyada mindiyada loo adeegsado ee dhacaya UK, ayaa “si joogto ah” u kordhay tan iyo 2011, sida ay sheegayaan tirakoobka dowladda. Arrintan ayaa noqotay mid aad u muuqata, sidaas darteed Sir Keir Starmer ayaa ku tilmaamay “qalalaase qaran”. Lixdan kun oo mindi ayey qabteen boolisku iyada oo qayb ka ah dadaal ballaadhan oo dowladda ay ku xakameyneyso dambiyada noocan ah sannadkii la soo dhaafay. Sidashada mindida meelaha dadweynaha waxaa ka dhalan kara ciqaab ilaa afarta sano oo xabsi.
Weerarkii mindida ee ka dhacay tareen marayey bariga Ingiriiska ilaa kii bishii hore ka dhacay sinagoga ku taalla Manchester, oo labo qof ku dhinteen, labaduba waxay qabsadeen ciwaannada warbaahinta caalamiga.






















