Baanka Dhexe ee Somaliland oo Tababar u Qabtay Shaqaalaha Hay’adaha Dhaqaalaha Dalka

0
48

 

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yaasiin Jaamac Axmed ayaa shalay soo xidhay tababar laba cisho ah socday oo ay qadanyeen shaqaale ka socday Hay’addaha dhaqaalaha dalka Kaasi oo ay maalgelinaysay Hayada UNDP.

Tababarkan ay ka soo qaybgaleen shaqaalaha ka socday qaar ka mid ah Hay’addaha dhaqaalaha dalka ayaa ahaa mid lagu barnayey horumarinta halbeegyada dhaqaalaha dalka iyo xisaabintooda waxana u jeedada guud ahayn in la helo hab lagu cabiri karo xaalada dhaqaalaha Somaliland

Ujeedada tababarkan ayaa ahaa in shaqaalaha ka hawlgala wasaaraddaha ama Hay’addaha dhaqaalaha dalka sidii xirfadooda aqooneed eek u aadan arimaha dhaqaalaha kor loogu qaadi lahaa.

Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somalilamd ayaa sheegay in wajigii koowaad oo lagu qaadanayey tabarkan oo kale dalka Kenya loo diray shaqaale ka socda Shan Hay’addood oo ah kuwa ka hawlgala Hay’adaha dhaqaalaha isla markaasina soo qaatay Tababar la dhidhiidha xirfadaha dhaqaalaha isla markaasina laga shaqaalaha tababrka ku soo qaatay dalka Kenya inay aqoontii halkaasi ay ku soo barteen u sii gud biyaan shaqalaha kale ee ka hawlgala dalka gaar ahaan kuwa dhaqaalaha.

Agaasime Yaasiin Jaamac Axemd ayaa tilmaamay barmaamikan oo socon doona muddo hal sano ah ay rajaynaan inuu gacan ka gaysto marka uu dhamaado go,aamada lagu gaadhayo arimaha dhaqaalaha sida cashuurta isku badalka sarifka, alaalaba soo daga hadii cashuur lagu kordhiyo saamaynta uu ku yeelan karo iyo awooda wax iibsi muxu u goynayaa hadiiba ay wax isbadalaan.

Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland ayaa intaasi waxa uu ku daray in nimaadka xog ururinta dhaqaale ee ay qaateen xubanaha tababarka la siinayey uu yahay kii koowaad ee noocisa ah balse aanu noqon doonin kii uu dambeeyey.

Agaasimaha Baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa uu intaasi ku daray “Kooxda tababrka bixinayaa waxay si joogta ah u soo qaadanayaan aqoonta oo ay ka soo qaadnayaan khuburada marka ay khuburada ka soo qaataan ee ay xafiisyada ku soo noqdaan ee ay dib iyagu iskula falan-qeeyaan waxay diyaar u yihiin inay aqoonta ku soo wareejiyaan shaalaha jooga xafisyada kale si aanay aqootii u noqon mid urursan oo koox kaliya ku kooban”