Cristiano Ronaldo ayaa si qiiro leh uga hadlay xaaladda kooxdii uu hore uga tirsanaa ee Manchester United, xilli uu wareysi gaar ah siinayay Piers Morgan. Ronaldo ayaa sheegay in kooxda uu weli qalbigiisa ku haysto, balse ay ka maqan tahay nidaam iyo hannaankii ka dhigi jiray mid tartan adag gali karta. “Waan murugooday sababtoo ah waa mid ka mid ah kooxaha ugu muhiimsan adduunka, welina qalbigayga ayay ku jirtaa sababo cad awgood,” ayuu yidhi Ronaldo. “Kooxdu waxay u baahan tahay hoggaan caqli badan si loo dhiso mustaqbal, sida ay sameeyeen sanado badan kahor. Markaas waxaa jiray ciyaartooy sida Nicky Butt, Carrick, Roy Keane iyo Beckham – waxay noqdeen xiddigo waaweyn, laakiin waxay ahaayeen kuwo leh hannaan iyo hab-dhaqan cad.” Ronaldo ayaa dhaleeceeyay in Man United aanay lahayn qaab dhismeed cad “Manchester United haatan ma laha qaab dhismeed. Waxay u baahan yihiin xirfad iyo qorshe. Waxaan rajeynayaa in taasi isbeddel ku imaan doonto hadda iyo mustaqbalka, sababtoo ah kooxda waxay leedahay awood iyo sumcad weyn.” Xiddiga reer Portugal wuxuu cadeeyay sida ay weli ugu weyn tahay xusuusta Old Trafford:
“Waa i xanuunaysaa inaan arko Manchester United sida ay haatan tahay. Markii aan halkaas joogay Waxaan ku guuleystay Champions League, waxaan hantay Ballon d’Or, waxaan ka ciyaaray sanado badan, waxaanan ku guuleystay 14 koob. Manchester United waxay qeyb ka tahay qalbigayga, waan jeclahay kooxdaas.”

























