Geesinimada Iyo Dagaalka Libaaxa!

0
41

Dunida si kasta oo loo sheego inay tahay casri haddana weli waxa jira caadooyin iyo dhaqamo ay leeyihiin bulshooyinka qaarkood.

 

Qabiilka Maasai waxay deggan yihiin:

  • Koonfurta Kenya, gaar ahaan gobollada Kajiado, Narok, iyo Trans Mara
  • Waqooyiga Tanzania, gaar ahaan meelaha u dhow Arusha iyo Manyara

 

Qabiiladan ayaa Lo’ada iyo Idaha dhaqata. Waxaana ka mid ah caadooyinkooda in ragga dhalinyarada ah lagu tababaro goobo gaar ah iyagoo la barayo sida waranka loogu dilo libaaxa. Dhulkaasi oo libaaxu ka badan yahay awgeed.

Waxaana caadoyinka ka mid ah in waajib laga dhigo inuu nin kasta keligii dili karo libaax, taasi oo ah halka uu ku qaadanayo shahaadada Raganimada.

Marka ninku uu libaaxaasi u badheedho ee uu la dagaalamo oo  dilo ayaa loo qirayaa inuu yahay shakhsi qaatay magaca Nin. Waxaana la sheegay in badankoodu libaax ay ku dilaan hal waran oo keliya oo ay kaga dhuftaan labada indhood dhexdooda.