Maxkamad Mareykana Oo Dib U Dhigtay Masaafurinta Nin U Dhashay Dalka Hindiya Oo Si Khalad Ah U Xidhnaa 43 Sano

0
76

Labo maxkamadood oo kala duwan oo ku taal dalka Mareykanka ayaa hakiyay musaafurinta nin u dhashay dalka Hindiya oo in ka badan 40 sano ku qaatay xabsi dil aannu geysan. Subramanyam “Subu” Vedam, 64, oo lagu helay dambi ah inuu dilay saaxiibkiisii ​​hore ee 1983 ayaa laga daayay Oktoobar ka dib markii caddayn cusub ay soo baxday kiiska.

Balse isla markii xabsiga laga soo daayey, waxa xidhay taxaabey Hay’adda Socdaalka Maraykanka (ICE) oo doonaysa in ay u masaafuriyaan Hindiya.

Qoyska Mr Vedam ayaa sheegay in inkastoo uu ku dhashay India, uu u soo guuray Mareykanka isagoo sagaal bilood jir ah. Waxa uu haystay deganaan rasmi ah oo Maraykan iyadoo la aqbalay codsigiisa dhalashada ka hor inta aan la xidhin.

Hadda waxa lagu hayaa xarun dadka muddo gaaban lagu hayo oo ku taal Alexandria, Louisiana, taas oo laga dhisay garoon diyaaradeed oo dadka laga tarxiilo.

Khamiistii la soo dhaafay, garsoore ka tirsan laanta socdaalka ayaa hakiyay masaafurinta ilaa Guddiga Racfaanka Socdaalka ay go’aan ka gaarayaan in ay dib u eegis ku sameynayaan xukunkiisa, kiis kale oo daroogo ah. Isla maalintaas, qareenadiisu waxay ka heleen masaafurintiisa Maxkamadda Degmadda Maraykanka ee Pennsylvania.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP, Mr Vedam ayaa lagu xidhay eedo daroogo ah xili ay booliisku baarayeen dhimashada saaxiibkiisii​​hore. Ugu dambayntii waxaa lagu soo oogay dacwad dil ah kadibna waxaa lagu xukumay dambiga.