Weliga Ha Khiyaamayn Qof Ku Aaminay

0
41

Nin ayaa awrkiisa sayladda keenay isagoo doonaya inuu iibiyo  waxa ka iibsaday koox hiliblayaal ah, isagana lacagtii ayay siiyeen.

Markii ay geeyeen xarunta gawraca xoolaha ayuu Awrku diiday in uu galo gudaha xarunta.  Waxa ay kooxdu si kasta isugu deyeen inay geliyaan goobta Gawraca laakiin waa ay u suurageli weyday.

Nin aad waayo-arag u ah ayaa usoo jeediyay in loogu yeedho, ninkii awrkan lahaa sii uu inooga caawiyo Awrka gelintiisa xarunta gawraca.

Markii uu yimi mulkiilaha  Awrku waxa uu qabtay hogaanka Awrka isla markiiba tallaabo tallabo ayuu raacay, markaasi ayay Iyagunna midiyiihi la soo deg–degeen si ay u gawracaan. Nasiib darro ninkii Awrka lahaa ayaa ra’yigiisa bedelay waxaana uu ku yidhi :  “Sideen u khiyaamayn karaa mid i aaminay oo iraacay inaan hoggaanmiyo, isagoo qof kasta diiday ?”. Ninka iska celiyay lacagtii uu ka qaaday, isagoo leh: “ Weligay iibin mayo mid aaminay oo iraacay,  waana uu iskaga tegay. Weligaa ha khiyaamayn qof ku aaminay oo kugu kalsoonaaday.