- Dadka dhankooda wanaagsan ka eeg, iska dhaaf dhinkooda xun
- Noqo qof wanaagsan, dadkana ha uga waramin inaad tahay qof fiican
- Saboolku uma baahna saacad toosisa, mushkuladihiisa ayaa ku filan oo kicinaya (R. Mugambi)
- Qaybta danbe ee nolosha qof kasta, waxa ay ka dhalatay qaybtiisa hore. (Dostoevsky)
- Aduunka wax kasta oo aad dhisatay wedka ayaa idin kala kaxaynaya, ku dadaal Aakhiro
- Higsiga noloshu waa in aan raadino liibaanta dhabta waana sida Allah ina la rabo.
- Qofka nolosha fahmaa wax kasta waa uu cafiyaa oo iska dhaafaa.
- Hadalka adagi si kasta oo looga naxo waxa uu kala saara xaqiiqda iyo humaagga .
- Qofka dadka ugu dhibta badan haddii aad ku tidhaa waan ku jeclahay, wuu hoganaya.
- Aadamiga waxa keliya ee kuu hogaamin karaa waa ixtiraamka.
- Islweynidu waa sharka iyo belaayada masiibooyinka horseeda.

























