Xubinta labaad ee barnaamijka waxa aynu ku soo qaadanaynaa, guddoomiyaha Degmada Axmed Macallin Haaruun, Mudane Maxamed Cabdi Gofindhe, ayaa ku dhawaaqay in la dhammeeyay dhismaha Biriishkii Afraad ee caasimadda Hargaysa.
Wuxuu sheegay in biriishkaasi uu muhiim u yahay isku xidhka degmooyinka Maxamed Mooge iyo Macallin Haaruun, isla markaana uu fududayn doono isu socodka bulshada, waxbarashada iyo ganacsiga.
Guddoomiyuhu wuxuu u mahadceliyay shirkadda Dahabshiil oo door weyn ka qaadatay dhismaha biriishka, iyo sidoo kale dawladda hoose oo mashruuca qayb ka ahayd.
Waxa uu intaas ku daray in maanta la dhammeeyay daamburkii jidka biriishka, isla markaana ay hadda bilaabi doonaan dhismaha Biriishka Shiraaqle, si degmooyinka iyo caasimaduba u helaan biriishyo fududaynaya isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Waxaanu yidhi. “Waan u mahadcelinaya shirkadda Dahab-shiil oo kaalin weyn ka qaadatay dhismaha biriishkan iyo dawladda hoose, biriishkani waxa uu isku xidhaya degmooyinka Maxamed Mooge iyo Macalin Haarun, waa Biriish weyn oo caasimadda oo dhan isku xidhaya, waxa uu qayb weyn ka qaadan doona waxbarashadii, isu socodkii, bulshada waana mashruuc weyn oo dawladda hoose qayb ka ahayd.
Saakana waxaa aanu daamburkii dhigney jidka biriishkan, imika waa kaa biriishkii inoo dhammaaday waxa inoo bilaabmi doona biriishkii Shiraaqle, degmooyinkan iyo caasimaduba waxay heli doonaan biriishyo ay isaga-tallaabaan”ayaa raaciyay






















