Dad Rayid ah oo loo Haysto Madax-Furasho: Magaalada El Fasher oo ay Hadhaysay Cabsi iyo Gaajo

0
90

Warbixino cusub oo ay heshay Warbaahinta dunidu ayaa muujinaya xaalad bani’aadantinimo oo aad u adag oo ka taagan magaalada El Fasher ee waqooyiga Darfur, ee dalka Suudaan, kadib markii Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ay la wareegeen gacan ku haynta magaaladaas, halkaas oo dad badan oo rayid ah lagu dilay, qaar kalr oo badanna madax-furasho loo haysto iyada oo sida la sheegay qoyayskooda laga dalbaday lacagta madax furshada ah ee loo haysto.

Qoysas dhowr ah ayaa warbaahinta in dad ka tirsan ehelladooda ay qabteen dagaalyahannada RSF, isla markaana ay ku wargeliyeen in ay bixiyaan lacago madax-furasho ah haddii kale oo ay lacagtaas bixin waayaanna la dili doono dadka la haysto.

Nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabay Maxamed Axmed (balse m

agacaasi aanu ahayn kiisa dhabta ah sababo la xidhiidha ammaankiisa) ayaa sheegay in adeerkii uu ka mid yahay dadkaas la afduubtay. “Mid ka mid ah askarta RSF ayaa igu yidhi: ‘Waxaad haysataa fursad saacad kaliya, lacagta madax-furashada ah ku soo bixi muddadaas, haddii kale adeerkaa waa la dili doonaa. Waxaa khasab igu noqotay in aan amaahdo lacagtaas madax-furashada oo caddadeedku dhammaa 10 milyan oo gini oo lacagta Suudaan ah”, ayuu yidhi Maxamed Axmed.

Sidoo kale, nin isna dhalinyaro ah oo isticmaalay magac aan kiisa ahayn (Ibraahim Qaasim), ayaa sheegay inuu bixiyay lacag madax-furasho ah si la mid ah tii uu bixiyay Maxamed si loo sii daayo walaalkiis, balse weli ay ciidamadu haystaan xubno kale oo qoyskiisa ah, iyagoo dalbanaya lacag dheeraad ah oo gaadhaysa 25 milyan oo gini.

Ururka lagu magacaabo Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn (Doctors Without Borders) ayaa ku waramay in kumannaan qof oo rayid ah lagu xanibay gudaha magaalada El Fasher, isla markaana lagana hor istaagay in ay ka baxaan magaaladaas kadib markii ciidamada RSF ay la wareegeen dhammaan gaadiidkii loo adeegsanayay daadgureynta dadka barakacay.

Warbixinta ururka ayaa intaas ku dartay in dad badan oo isku dayay inay ka baxsadaan magaalada si khasab ah dib loogu soo celiyay, halka qaar kalena la toogtay. Sidoo kale, waxaa la sheegay in ay deegaankaasi ka jirto cunto yari, biyo la’aan iyo daawooyin oo dhamaaday, taas oo keentay xaalad degdeg ah oo caafimaad iyo nafaqo-darro ah.

“Afduubka iyo haynta khasabka ah ee dadka rayidka si madax-furasho looga helo waa ku xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada,” ayey tidhi Ghaada Cabdiraxmaan, oo ah garyaqaan xuquuqda aadanaha u dooda. Waxaanay intaasi raacisay “Falalka noocan ah waa dambiyo dagaal oo si toos ah ugu xadgudbaya dadka aan hubeysneyn.”

Hay’adaha gargaarka iyo ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada dagaalka ee Suudaan in si degdeg ah loo sii daayo dadka rayidka ah ee la haysto, lana furo waddooyin ammaan ah oo u oggolaanaya barakacayaasha inay baxaan.

Sidoo kale, waxaa la codsaday in hay’adaha samafalka loo oggolaado inay si xor ah u gaadhaan goobaha ay colaaddu saameysay, iyo in meydadka daadsan ee hareeraha magaalada laga qaado si looga hortago in ay deegaankaasi ka dhashaan khataro cusub oo la xidhiidha caafimaadka iyo deegaanka.

El Fasher oo muddo dheer ahayd xarun istaraatiiji ah oo muhiimad weyn u leh dhinacyada ku hirdamaya dalka Suudaan ayaa hadda noqotay goob ay ka taagan tahay musiibo bani’aadantinimo oo ba’an. Qoysas badan oo laga afduubay dad eheladooda ah ayaa la sheegay in dhammaan wixii ay hanti haysteen ay ku bixiyeen madax-furasho, balse aanay weli haysan wax dammaanad qaad ah oo la xidhiidha in la siidaynayo ehelkooda la haystayaasha ah ee ay madaxfurshada bixiyeen, taasoo muujineysa heerka murugada iyo cabsi-gelinta ah ee ay dadka rayidka ahi hadda ku nool yihiin gudaha magaaladaas.