Qore C/wahaab Daahir Xasan
Ceel-afwayn (Dawan) Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Axmed Isdaber Iyo Maamulka Degmada Ceel-afweyn ayaa guddiga abaaraha heer qaran kala wareegay 220 Booyadood oo biyo ah kuwaasi oo la doonayo in la gaadhsiyo dadka ay abaarto ku dhufatay ee ku dhaqan gobolka sanaag.
Gudoomiyaha gobolka sanaag ayaa sheegay “waxana soo gaadhay 220, 45 ka mid ah waxaan ugu talogalay oo aan gaadhsiin doonaa dadka soo guurtada ah, haday yihiin kuwa u guuray bariga ceergaabo iyo haday yihiin kuwa u guuray galbeedka Ceergaabo. 90 booyadoodna waxaan ugu talo galay degmada Ceel-afwayn, 85 ka mid ahna waxa la gaynayaa degmada Gar, adag”.
Gudoomiye Axmed Idaber ayaa waxa uu iftiimiyey marka loo eego baahida biyaha ee ay qabaan dadka lagaga tagay deegaanada abaartu aadka u saamaysay iyo kuwa u guuray meelaha kaleba sida aanay wax badan uga taridoonin deeqdan biyaha ee ay soo gaadhsiiyeen gudida abaaraha heer qaran balse ay tahay kaliya dhiig joojin isla markaana loo baahan gurmad biyo dhaamis oo intan ka badan.
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland inay soo gaadhaan dadka ay abaartu ku dhifatay ee deegaanada hoosyimaad gobolka sanaag, waxana uu gudoomiyuhu ka dayriyey xaalada abaareed ee haatan ka taagan gobolka sanaag taasi oo dad iyo duunyaba ay waajahayaan xaalad qalafsan.
Masuuliyiinta gudiga abaaraha ee heerka qaran kala wareegay deeqda biyaha ayaa ka dayriyey xaalada nololeed ay waajahayaan dadka laga tagay deegaanada baartu aadka u saamaysay waxan ay sheegeen dad kaasi inay u baahan yihiin gurmad degdega oo ay ugu horeeyan biyuhu.
Geesta kale abaaraha xooggan ee haatan ka taagan gobollada bari ee Somaliland sida Togdheer, Sool iyo Sanaag ayaa ah mid saamaysay dadka iyo xoolaha ka dib markii la waayey roobkii Dayrta oo xilligeedii lagu jiro.
Deegaannadan oo hore Roobka Gu’gu qaarkood aanu helin qaar kalena aanay helin roob ku filan ayaa wajahaya xaalad abaareed oo aad u daran kuwaas oo ay ka dhasheen Biyo la’aan, baad la’aan iyo xoolaha oo aad u xumaaday.
Dadka reer guuraaga ah ayaa bilaabay in ay u guuraan dhul aad u fog fog sida deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo buuraha fog ee gobolka Sanaag. Waxayna adeegsanayaan baabuurta waaweyn ee xamuulka oo lagu daad guraynayo xoolaha jilicsan ee aan geli karin socdaalka aadka u dheer iyo dadka nugul.
Lacagta xoolaha lagu rarayo ayaa ah mid aad u badan taas oo qofka aan heli karin ku adag in uu la guuro xoolihiisa abaartu ku habsatay si uu ula baadi goobo meel baad iyo biyo laga heli karo.






















