Maalin kadib weerarro culus oo Israa’iil ku qaaday dhulka Lubnaan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku tilmaantay tallaabadaas “weerar dambi ah” oo “si buuxda loo qorsheeyay loona fuliyay iyadoo ay taageero iyo iskaashi buuxa ka helaysa Mareykanka.”
Isra’iil ayaa Khamiistii duqeymo xooggan ka fulisay koonfurta Lubnaan , kuwaas oo ka mid ahaa weerarradii ugu cuslaa ee ay halkaas ka geysato tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaadhay sannadkii hore. Ciidamada Israa’iil ayaa hore digniin u diray dadka deggan magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah si ay uga baxaan goobahaas.
Isra’iil waxay sheegtay in weerarradeedu ay beegsanayeen goobaha ciidan iyo kaabayaasha ururka Xisbullaah ee Lubnaan.
Hase yeeshee, Xisbullaah ayaa sheegtay in dad rayid ah ay ku dhaawacmeen, isla markaana guryo iyo xaafado rayid ah la burburiyay duqeymahaas. Hadda, iyadoo xiisaddu taagan tahay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa soo saartay bayaan ay ugu baaqayso Qaramada Midoobay, bulshada caalamka, iyo waddamada gobolka in ay tallaabo ka qaadaan siyaasadaha kicinta leh ee Israa’iil.






















