Khiyaamada Mar Kasta Kuma Badbaadaysid!

0
50

Nasiibkuna Markasta Garabkaaga Maaha!

Nin Ganacsade ah ayaa Kiishash milix ku soo qaadi jiray dameerkiisa maalin kasta oo suuqa ganacsiga ku keeni jiray.

Ganacsadaha iyo dameerkiisa waxa ay ka gudbi jireen wabi yar si ay suuqa u gaadhaan. Si kastaba ha ahaatee, dameerka ayaa maalin si lama filaan ah oo nasiib ah ugu dhacay biyaha. Ka dib Milixdii ayaa milantay, taasoo keentay in kiishashkii fudayd noqdaan. Dameerka ayaa aad u farxay.

Laga bilaabo maalintaas, dameerkii wuxuu bilaabay inuu ku celceliyo isla khiyaanadaas maalin kasta. Ganacsadaha ayaa ogaaday khiyaanada dameerka waxaana uu go’aansaday inuu cashar xanuun badan siiyo. Maalintii xigtay, wuxuu kiishashkii ka buuxiyay buush waxaana uu ku raray dhabarka dameerka.

Markan, sidoo kale, dameerkii wuxuu isticmaalay isla khiyaamadii oo waxaana uu ku dhacay biyaha. Laakiin si ka duwan sidii hore, buushku aad buu u culusaa ka dib markii biyihii ka buux sameen, dameerkana waa ay ku adkayd inuu baxo, ilaa Gancasaduhu caawiyay.

Ganacsadaha ayaa ku farxay sida casharka cusub ee uu dhigay Dameerka ugu hirglay!

Xikmadda sheekadu waa: Mar walba kuma badbaadaysid  khiyaamada, nasiibkuna mar walba ma noqon karo mid ku garab taagan!