Maayarka Gabiley oo Xoojiyay Amniga iyo Wacygelinta Badbaadinta Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba

0
88

Dawladda hoose ee Gabilay iyo Ciidanka dab-damisga gobolka Gabilay ayaa wada jir iskaga kaashaday tababar loo  qabtay qaybo ka mid ah bulshada gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba sidii  ay uga hr tegi lahaayeen masiibada dabka isla markaana iskaga badbaadin lahaayeen.

Ciidanka Dabdemiska Gobolka Gabiley ayaa tababar ku saabsan Basic Fire Safety u qabtay xubnaha Ururka Dhagooleyaasha Somaliland (Somaliland Deaf Association – Gabiley Region).

Tababarkan waxaa si gaar ah u soo abaabulay La-taliyaha dawladda hoose ee Gabiley ee arrimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba, Mudane Mustafe Maxamed Ibraahin, waxaana ujeeddadiisu ahayd in kor loo qaado wacyigelinta badbaadada naf iyo maal ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Intii lagu guda jiray tababarka, Ciidanka Dabdemisku waxay soo bandhigeen farsamooyin iyo xeelado muhiim ah oo la xidhiidha daminta dabka, sida loo maareeyo xaaladaha degdegga ah, iyo tallooyin ku saabsan ka hortagga iyo illaalinta hantida bulshada.

Xubnaha Ururka Dhagooleyaasha ayaa dhankooda u mahadceliyay Ciidanka Dabdemiska iyo Dawladda hoose ee Gabiley, iyagoo sheegay in tababarkaasi uu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu muujinayo in bulshada oo dhan laga wada qaybgeliyo barnaamijyada wacyigelinta iyo badbaadada.