Warbixin ka timid Daily Mail ayaa sheegtay in Mohamed Salah uu todobaadka soo socda la kulmi doono tababaraha xulka Masar, Hossam Hassan, si ay uga wada hadlaan diyaar garowgiisa iyo in laga fogaado khilaaf kale oo ka dhex qarxa naadiga iyo xulka, ka hor tartanka Africa Cup of Nations.
Masar waxay qorsheyneysaa ciyaar saaxiibtinimo oo ay Nigeria kula qaadan doonaan garoonka Cairo Stadium, December 8. Warbaahinta gudaha Masar ayaa sheegaysa in Hossam Hassan uu sharciyan xaq u leeyahay inuu u yeero Salah.
Laakiin waqtigaas Liverpool waxay leedahay ciyaaro aad muhiim u ah, oo ay ka mid yihiin: Safar Champions League ah oo ay la ciyaarayaan Inter Milan, Iyo kulan Premier League ah oo ay ka hor imaanayaan Brighton

























