Qore Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan) Tartankii dabaasha ee todobaadkan lagu qabtay xarunta Batalaale Beach ee magaalada Hargeysa ayaa ah dhacdo taariikhi ah oo lagu tilmaami karo bilow cusub oo rejo iyo yididiilo u ah dhalinyarada reer Somaliland, kaas oo muujinaya sida xukuumadda Somaliland ay ay da’yarta dalka ugu hoggaaminayo xirfadaha ciyaaraha kala duwan iyo tartannada caalamiga ah.
Xidhiidhka Dabaasha ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo uu hoggaamiyo Mudane Cabdalle Cali Ismaaciil, ayaa si heer sare ah u soo qabanqaabiyay tartankan, kaas oo ay ka qaybgaleen dhalinyaro da’doodu ka yar tahay 18 snano. Qabanqaabada iyo hannaanka habsamida leh ee tartanka ayaa astaan u noqday dedaal iyo daacadnimo lagu dhisayo jiil cusub oo ciyaartoy ah.
Tartamada noocan ahi maaha oo keliya isboorti lagu tartamo, balse waa madal lagu kobciyo kalsoonida dhalinyarada, isla markaana lagu dhiso anshaxa, edaabta iyo wada-jirka bulshada, isl amarkaana ay ku baranayaan qiimaha ay leeyihiin tartantana noocan ah, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka iyo is dhex-galka bulshada.
Wargeyska Dawan waxa uu si gaar ah ugu mahadcelinayaa Xidhiidhka Dabaasha iyo madaxdiisa, kuwaas oo ku dhiirraday in ay soo nooleeyaan ciyaar aan hore loogu firfircooneyn dalka. Sidoo kale dedaalka ay muujinayaan masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha iyo xidhiidhada ciyaaraha ayaa ah mid mudan in la ammaano, maadaama ay si joogto ah u abuuraan fursado lagu kobcinayo dhalinyarada dalka.
Tartanka Batalaale Beach wuxuu ahaa guul ciyaareed iyo mid bulsho. Wuxuu tusay in marka dhalinyarada la dhiirrigeliyo, la taageero, oo la siiyo fursad ay hibadooda ku muujiyaan, ay ka jawaabaan si togan oo dhiirrigelin leh.
Xidhiidhka Dabaasha iyo Wasaaradda Ciyaaraha waxay mudan yihiin amaanta iyo taageerada shacabka, waana in dedaalkooda la sii xoojiyo.






















