Wanagaa Aad Samayso Waa Waxtar!

0
57

Markii habeenku madoobaday ayuu nin lugaynayay qaatay Shamac ifaya.  Nin kale oo dariiqa socday ayaa weydiiyay miyaanad Jidka arkayn maxaad u sidataa shamaca?

Ninkii ayaa ugu jawaabay:“Waan arkaa jidka, balse shamacan waxaan u sitaa si kuwa iga dambeeya iyaguna u arkaan Jidka.” Wanaagga aad samayso maaha kaliya mid adiga ku kooban,  wuxuu u ifitiiminayaa  jidka dadka kale.

Oday da’ ah ayaa beerayay geed midhihiisu ku baxaan muddo dheer. Qof ayaa ku yidhi: “Maxaad u beeraysaa Adigu waad gaadhiba mayside, midha geedkane?”
Odayga ayaa ku jaawabay: “Dadkii hore way beereen, aniguna midhahooda ayaan cunay. Hadda aniguna waan beerayaa si jiilka dambe uga faa’iido.”
Halku dhigu waa:  Samee wanaag xitaa haddii aanad adigu ka faa’iidaysan doonin.