Wasaaradda Deegaanka JSL, oo Soo Bandhigtay Fursadaha iyo Hababka Casriga ah ee Suuqa Kaarboonka

0
48

Barnaamijka Deegaan-jire ee todobaadkna waxaynu ku soo qaadanynaa waxa aynu ku soo qaadanaynaa wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland oo shirka maalgashiga dalka ku soo bandhigtay ka faa’iidaysiga suuqa Kaarboonka, kaas oo wax wayn ka taraya dhaqaalaha dalka iyo illaalinta deegaanka.

Haddaba, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah uga qayb gashay Shirweynihii Maalgashiga Somaliland, kaas oo bilowgii bisha November  lagu qabtay magaalada Hargeysa. Shirkaas ayaa si wadajir ah ay u soo agaasintay Wasaaradda Madaxtooyada iyo Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha, waxaana uu qayb muhiim ah ka yahay dadaallada lagu dhiirrigelinayo maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah ee dalka.

Shirka maalagshiga Somaliland ayaa waxaa kasoo qayb galay maalgashadeyaal iyo ganacsato waaweyn oo ka kala socday dalalka Geeska Afrika iyo guud ahaan Somaliland. Intii uu socday madasha, waxaa lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee kala duwan ee dalka ka jira, gaar ahaan kuwa la xidhiidha kheyraadka dabiiciga ah, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo maalgashiyada ku saleysan deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Soo Bandhigtay Fursadaha Suuqa Kaarboonka (CO Market)

Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Cali Mahdi, ayaa madasha ka jeediyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan fursadaha maalgashi ee ku jira suuqa xorta ah ee ganacsiga Kaarboonka (Carbon Market).

Mudane Cabdi Cali Mahdi ayaa sheegay in suuqa Kaarboonku yahay mid caalami ah oo si degdeg ah u koraya, isla markaana Somaliland ay leedahay fursado badan oo ay kaga qayb qaadan karto, iyadoo la tixraacayo mashaariicda ilaalinta deegaanka, beeraha, iyo dib-u-dhiska dhirta iyo dhul-beereedka.

Wuxuu sidoo kale xusay in maalgashiga ku saleysan Kaarboonka uu dalka u keeni karo il dhaqaale oo cusub, isla markaana uu kaalin muhiim ah ka ciyaari karo dhiminsta saamaynta isbeddelka cimilada, iyo kordhinta shaqo-abuurka dhalinyarada iyo haweenka.

Qorshayaasha iyo Siyaasadaha Suuqa Kaarboonka

Dhankiisa, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Siyaasadaha ee Wasaaradda, Mudane Mawliid Mustafe Axmed, ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qaababka casriga ah ee lagu maalgashan karo suuqa Kaarboonka.

Wuxuu sheegay in Maalgashiga deegaanku uu yahay fure muhiim ah oo lagu dhisi karo mustaqbal cagaaran iyo dhaqaale waara oo Somaliland ay ku faani karto,  sidoo kalena lagu kobcin karo kaabayaasha dhaqaalaha cagaaran.

Mudane Mawliid ayaa intaa ku daray in dawladdu ay dhiirrigelinayso iskaashiga dawladaha iyo ganacsatada gaar loo leeyahay (Public-Private Partnership) si loo xoojiyo maalgashiyada deegaanku salka ku hayo, loona abuuro fursado dhaqaale oo waara.

Deegaanka iyo Maalgashiga: Fure Mustaqbal Cagaaran

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL ayaa ku celisay muhiimadda uu leeyahay maalgashiga deegaanka, kaasi oo lagu dhisi karo mustaqbal cagaaran oo dhaqaale ahaan iyo deegaan ahaanba dhisan.

Wasaaraddu waxay ballan qaaday in ay sii wadi doonto wadashaqaynta ay la leedahay maalgashadayaasha, hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshada deegaanka, si loo xaqiijiyo in maalgashiyada dalka ka hirgala ay noqdaan kuwo u hoggaansan ilaalinta deegaanka iyo qorshayaasha waara ee qaranka.

Ugu dambayntii, ka qaybgalka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee shirkan ayaa muujinaya sida ay Somaliland uga go’an tahay in ay isu beddesho dal furan oo cagaaran, maalgashiga ku dhisana iyo ilaalinta deegaanka.