By:Sagal Filibiin
Qormada Todobaadkan ee Arrimaha Ganacsiga waxaan kaga faaloon doonaa Qiimaha maceeshada suuqyada magaalada Hargeysa oo sare u kacay muddooyinkii u dambeyey iyada cunooyinka daruuriga ah sida Bariiska Baastada Sonkorta iyo Qudaarta kala duwan oo aan kuwaas qiimaha lagu iibiyaa hoos u dhicin inta badan balse had iyo jeer ay jiraan qiimo korodh ku yimaada kaas oo ay cabasho ka muujiyaan qaybaka kala duwan ee bulshada Somaliland.
Haddaba qaar ka mida hooyooyinka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa cabasho wayn ka muujiyey qiimaha sarreeya ee maceeshada ama quutal daruuriga iyaga oo baaq u diray Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland oo ay ka codsadeen inuu hoos u eego dadkiisa kana qabto ganacsatada oo ay sheegeen in aanay wax qiimo dhimis ah samaynin inay sare u qaadaan mooyee qiimaha Raashinka iyo waxyaalaha kale ee daruuriga ha.
Raxma Nuur oo ka mid ah Hooyooyinkaas ayaa tidhi “Sanadihii u dambeeyey waxa jirta in saacad kasta iyo maalin kastaba ay wax ku kordhayaan qiimaha aanu ku iibsano raashinka iyo waxyaalaha kale ee loo baahan yahay hadda oo aynu joogno suuqan wayn ee Hargeysa waxaan soo galay aniga oo sita lacag yar oo ilaa 50 kun oo shilin ah una dhiganta ilaa 5 dollar ma aqaan waxaan ku iibsaday oo waataan gacantayda ka madhantahay waxaana waxa sababaaya wax kasta oo aad u baahantahay oo suuqan yaala waa qaali Kiilooga Baastada ah waa 12 kun oo shilin halka Kiilooga Bariiska Maaweelku yahay 10 kun waliba bariisku waa kala qaalisan yahay sidoo kale sonkorta iyo qudaartana hadalkooda iska daa, markaa waxaan jeclaan lahaa in wax laga qabto oo ganacsataduna noo naxariistaan”.
Sidoo kale Nimco yuusuf ayaa Iyana ii sheegtay “dhamaan bulshada nin wax haysta iyo nin aan wax haysanba wuu saamaynayaa halka santi ee ku kordha qiimaha Quutal daruuriga ee is bedbedalayaa si gaar ah dadka danta yarta ah ayuu u sii taabanayaa maxaa yeelay waxa yar waxa gacanteena ku jira sidaas darteed waxaan Madaxweynaha ka codsanayaa inuu Bulshada danyarta ah hoos u eego maadaama ay haystaa culaysyo badan sida dhaqaale la,aan iyo duruufo nololeed oo u baahan in wax laga qabto, waana in xukuumadu wax ka qabataa Ganacsatada dadka ku haya dhiig miirashada oo maalinba wax doonaan ku kordhinaaya qiimaha maceeshada dalka”.






















