Guusha Ganacsadaha Daacadda Ah!

0
50

Nin ka mid ahi dadkii ee hore wanaagsana aha oo haystay dukaan dharka iyo badeecadaha lagu iibiyo aya shaqaalihiisa kula dardaarmay in aanay qofna ka iibin shay cillad leh ilaa ay u cadeeyaan haduu ku qaadanayo.  Maalin ayuu u yimi nin Yuhuudi ahi meheradiisa, shaqaalaha ayaa ka iibiyay alaabo ay ku ogaayeen inay cillad leedahay markii ay ogaadeen inuu Yuhuudi yahay.

Waxay yidhaahdeen waa Yuhuudi safar ah waxba uma sheegayno ceebta alaabada. Waxaana ay ka qaadeen 3 kun Dirham. Markii ninkii dukaanka laha weydiiyay alaabadii, waxay u sheegeen inay ka iibiyeen nin Yuhuudi ah oo safar ah. Waxaana uu weydiiyay ma u sheegteen?. Waxaana ay ku yidhadeen maya.

Ninka dukaanka lahaa ayaa lacagtii qaaday waxaana uu raacay safar kale sii uu ninkii Yuhuudiga ah lacagtiisa ugu celiyo, alaabtana ka soo qaado. Markii uu gaadhay deegaankii uu tegay ayuu ku yidhi waar lacagtaadii waa tan 3 kun Dirham, keen alaabadii waxay ahayd mid aan wanaagsanayne way ku caamiyeene!. Yuhuudiga aya yaabay oo ku yidhi maxaa kugu kelifay safarka intan leeg iyo hawshan. Waxaana uu ninkii ku jawaabay Iimaankayga.

Yuhuudiga aya ku yidhi aniguba waxan idin siiyay 3 kun Dirham oo caamaysa ah oo anigu aan sameeyay, ee qaado 3 kun ee saxda ah waa kuwane.  Aniguna waan islaamaya, maxaa yeelay akhlaaqda noocan u saraysa ma hayno