Hoggaanka Madbacadda Qaranka oo Dardargeliyay Geedisocodka Horumarineed ee Wakaaladda

0
48

Hargeysa (Dawan) Hoggaanka sare ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale si cad u muujiyay dadaallada horumarineed ee lagu xoojinayo, laguna joogtaynayo guulaha ballaadhan ee ay wakaaladdu ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay xilka hayeen Maareeyaha Guud ee Wakaaladda, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan, iyo Maareeye-ku-xigeenka, Mudane Cabdixakiim Muuse Cali.

Muddadii koobnayd ee ay xilka hayeen hoggaanka cusub, Wakaaladda Madbacadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar muuqda oo dhinacyada farsamada, maamulka iyo adeeg-bixinta ah. Horumarka iyo dedaaladda joogtada ah ayaa ka dhigay Madbacadda qaranka mid ka mid ah hay’adaha dawladda ee ugu nidaamsan uguna firfircoon ee ay Somaliland leedahay.

Kulanka billaha ah ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka, oo uu shir-guddoomiyey Maareeyaha Guud ee Wakaaladda, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan, isla markaana uu wehelinayay Maareeye-ku-xigeenka, Mudane Cabdixakiim Muuse Cali, ayaa noqday tallaabo horumarineed oo iftiiminaysa sida ay hoggaanka sare ay uga go’an tahay hirgelinta yoolalka istiraatiijiga ah iyo geedisocodka horumarineed ee wakaaladda, kuwaas oo ku dhisan qorshe cad, hannaanka maamul-wanaagga, iyo nidaam hufan oo la jaanqaadaya halbeegyada caalamiga ah ee hay’adaha dawladeed ee horumaray.

Kulankan joogtada ah, oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiinta waaxyaha kala duwan iyo dhammaan shaqaalaha wakaaladda, ayaa lagu falanqeeyay waxqabadka bishii tagtay, qorshayaasha soo socda, iyo hababka lagu dardargelinayo barnaamijyada horumarineed ee waxtarka leh iyo habsami-u-socodka shaqada maalinlaha ah.

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo Ku-xigeenkiisa, ayaa labaduba waxay si cad u muujiyeen in ujeeddada ugu weyn ee kulamada billaha ah ee shaqaalaha wakaaladdu ay tahay in la mideeyo nidaamka shaqada iyo shaqaalaha, dardargelinta waxqabadka, iyo in la abuuro jawi shaqo oo ku dhisan is-faham, kalsooni iyo hal-abuur.

Dhinaca kale, shaqaalaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka ayaa shahaado-sharafyo ku guddoonsiiyay Maareeyaha Guud, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan, iyo Maareeye Ku-xigeenka, Mudane Cabdixakiim Muuse Cali. Tallaabadan ayaa u ah hoggaan lagu kalsoon yahay oo ku sifoobay daacadnimo iyo hal-adayg, arrintaas oo mudadii ay xilka hayeen u horseeday wakaaladda horumar la taaban karo oo dhinacyada maamulka, adeeg-bixinta, iyo tayeynta shaqaalaha ah.

Falanqaynta Wargeysa Dawean waxay si mug iyo miisaan leh u bogaadinaysaa dadaalka Wakaaladda Madbacadda Qaranka, kaas oo ay ku kasbatay kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dawladda, iyadoo noqotay xarun isku kalsoon oo si buuxda u dabooshay baahiyaha qaranka iyo dawladda ee dhinacyada daabacaadda, soo saarista agabka rasmiga ah, iyo ilaalinta sumcadda iyo amniga macluumaadka qaranka.

Dalka Somaliland oo ku tallaabsanaya marxalad cusub oo horumarineed, ayaa Wakaaladda Madbacadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay noqotay tiir muhiim ah oo lagu faano, iyada oo noqotay tusaale muujinaya sida hay’ad qaran oo lagu hago karti, daacadnimo iyo qorshe hufan ay u gaadhi karto heerar caalami ah oo lagu daydo.

Sidoo kale, Wakaaladda Madbacadda Qaranka Somaliland ayaa lagu ammaanay kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaadatay qabsoomidda iyo qaban-qaabada isu-soo bixii lagu taageerayay Shirka Nabadda Ceerigaabo, kaas oo 6-dii November 2025 lagu qabtay Khariyada Magaalada Hargeysa.

Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda, Mudane Cabdixakiim Muuse Cali, oo faahfaahin ka bixiyay doorka wakaaladda ee isu-soo baxaas nabadeed, ayaa yidhi: “Wakaaladda Madbacadda Qaranka Somaliland oo gudanaysa waajibaadkeeda qaran, waxay diyaarisay oo ay daabacday dhammaan agabkii loogu dabaal-degayay nabaddii uu qaranku ku soo xidhay gobolka Sanaag. Waxaanu diyaarinay dhammaan qalabkii looga baahnaa dabaal-degga, sida calamada, boodhadhka, garamaanta iyo agabkii kale ee rasmiga ahaa.”

Gunaanad:

Wakaaladda Madbacadda Qaranka Somaliland ayaa sii xoojisay kaalinteeda hoggaamineed ee dhanka daabacaadda, hal-abuurka iyo adeegyada qaranka, taas oo ka dhigtay hay’ad tusaale u ah maamul-wanaag, hufnaan iyo wadaniyad dhab ah oo ka turjumaysa mustaqbalka ifaya ee Somaliland.