Qalbiyo Murugoonaya Oon La Dareemayn!

0
39

Dhibtu Adiga Keligaa Kuma Haysato!

Dhakhtarka aya soo galay Isbitaalka ka dib markii loogu yeedhay bukaan qaliin degdeg ah u baahan. Intii aanu gelin qolka qaliinka ayuu la kulmay Aabaha wiilka la qaliyo, waxaana uu ku yidhi Aabuhu: “ Dhakhtar maxaad u raagtay, nolosha wiilkaygu waa halise miyaanad dareen naxariiseed lahayn?.

Dhakhtarka aya dhoola cadeeyay, hawshiisa qaliinka ahna iska galay, isagoo ku yidhi Aabaha, “ waxaan rajaynaya inay khayr ku dhamaato, laakiin Allah (sw) ku kalsoonow”.

Qaliinka ayaa qaatay laba saacadood ka dib dhakhtarkii aya soo baxay wuxu u sheegay Aabihii oo sugayay, waan dhameeyay qaliinka wiilkaaga cafimaadkiisuna aad ayuu u wanaagsan yahay. Allah (sw) mahad leh.

Wuu iska dhaqaaqay isagoo ku yidhi: “ balan kale ayaan leeyahay waa hagaag”, Isagoo aan sugin su’aalaha Aabuhu weydiinayo.

Aabaha aya markii ay ka soo baxday gabadhii kaalisida ahayd isagoo cadhaysan ku yidhi “ Muxuu ahaa dhakhtarkan aan in yar oo naxariisa ah lahayn”.  Gabadhii ayaa ugu jawaabtay wuxu ku degdegayay wiil uu dhalay oo shil gaadhi ku dhintay aaskiisa. Isagoo hawshiisa ku jira uga yimi qaliinka wiilkaaga si u badbaadiyo. Waa sidaasi ,Waxa jira qalbiyo murugoonaya oo aan la dareemayn.  Dhakhtarka ayaa ahaa Dr.Saciid Qaxdaan oo ka shaqeeya Isbitaalka Guud ee Casiir  Dalka Sacuudiga (Wargeyka Arakaba).