Mr. Walter Hunt oo noola intii u dhaxaysay (Julay 29, 1796 – Juun 8, 1859) wuxuu ahaa makaanig Mareykan ah oo ku dhashay Martinsburg, New York. Mr.Walter waxa uu ahaa hal abuure caan noqday waxaana uu sanadkii 1833 hindisay dawaarka dharka lagu tolo ee caanka ah.
Mr.Walter Hant wuxu ahaa ninka curiyay sanadki 1849, qalin khadka, Girgiraha, jalaska wadooyinka lagu xidho, mishiinada nadiifinta, qalabka masaabiirta lagu sameeyo iyo qalab kale oo badan. Haddaba markii uu saaxiibkii ku yeeshay lacag dayn oo dhamayd $ 15 ayuu goostay inuu sameeyo shay muhiim ah oo u suurtageliya inu iska bixiyo daynta, kana macaasho.
Maalintaasi ayu helay taar qiyaastiisu tahay 20 cm, waxaana uu ka fikiray inuu ka sameeyo Biin iyo weliba quful iyo furaha wax lagu xidho. Fikradaasi waa uu ku guulaystay waxaana ka iibsatay shirkadda W.R. Grace Company, iyadoo ka siisatay $ 400. Waxaana uu iskaga bixiyay deyntii oo dhamayd 15 iyadoo ay u soo hadhay $ 385. Haddaba shirkadaa Grace ayaa iska sii wadatay oo fikradaasi ku samaysay malaayiin biinan iyo qufulo ah iyadoo ka faa’iiday hanti ballaadhan. Nasiib daro hal-abuure Walter wax xidhiidh lama samayn hay’ada ilaaliinta xuquuqda curinta iyo hal-abuurka.

























