Liiska Dalalka Illaa Hadda La Xaqiijiyay Inay Usoo Baxeen Tartanka Koobka Adduunka 2026

0
60

Ugu yaraan 30 dal ayaa u soo baxay Koobka Adduunka 2026.-

France ayaa noqotay xulkii ugu dambeeyay ee xaqiijiya ka-qaybgalka, kaddib markii ay 4-0 ku garaaceen Ukraine habeenkii Khamiista.

Kylian Mbappé ayaa dhaliyay labo gool, halka Michael Olise iyo Hugo Ekitike ay iyaguna gaareen shabaqa, taasoo Les Bleus u xaqiijisay inay gaadhaan Koobka Adduunka.

Dhanka kale, guushii 4-1 ee Norway ka gaadhay Estonia ayaa ku dhawaad xaqiijisay u-soobixiddooda, iyagoo ka sarreeya Italy oo ku jirta Guruubka I.

USA, Canada iyo Mexico waxay si toos ah ugu soo baxeen tartanka, maadaama ay yihiin dalalka martigelinaya tartanka.

Laakiin ugu yaraan 27 dal oo kale ayaa sidoo kale xaqiijiyay ka-qaybgalka tartanka, waxaana ku jira dalal markii ugu horreysay ka soo muuqanaya Koobka Adduunka.

Australia

Iran

Japan

Jordan (markii ugu horreysay)

Qatar

Saudi Arabia

South Korea

Uzbekistan (markii ugu horreysay)

Algeria

Cape Verde

Egypt

Ghana

Ivory Coast

Morocco

Senegal

South Africa

Tunisia

Canada (martigelinaya)

Mexico (martigelinaya)

United States (martigelinaya)

Argentina

Brazil

Colombia

Ecuador

Paraguay

Uruguay

New Zealand

England

France

Norway