Maayerka Hargeysa oo Hoggaaminaya Dedaal Lagu Casriyeynayo Maaraynta Qashinka Magaaladda

0
60

Barnaamijka dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan, oo inta badan aynu ku faaqidno arrimaha horumarinta dawladaha hoose iyo magaalooyinka, todobaadkan xubinta koowaad waxaaynu ku soo qaadanaynaa, xog ururin socotay muddo sadex bilood ah, taas oo lagu darsayay maaraynta qashinka iyo sidii loo casriyayn lahaa, si looga hortago caafimaad darrada iyo wasakhaynta deegaanka, loona ogaan lahaa xaddiga qashinka ka soo baxa guud ahaan caasimadda Hargaysa.

Haddaba, Maayerka Caasimadda Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa si rasmi ah u soo xidhay kulan xog ururin ah oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Maareynta Khataraha iyo Masiibooyinka ee dawladda hoose ee Hargeysa, kaas oo lagu soo casuumay daneeyayaasha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha nadaafadda iyo qashinka ee caasimadda.

Kulankaas muhiimka ah ayaa lagu soo bandhigay natiijadii xog ururin socotay muddo saddex bilood ah, taas oo lagu sameeyay qashinka magaalada Hargeysa. Xogtan ayaa si qoto dheer u cabbiraysay celceliska qashinka uu qof walba maalintii soo saaro, iyo tirada guud ee qashinka ka soo baxa guryaha, si loo helo xog dhab ah oo lagu hagayo qorsheyaasha casriyeynta nidaamka maaraynta qashinka ee magaalada.

Ujeeddada xog ururinta ayaa ahayd in la helo faham buuxa oo ku saabsan sida qashinka magaalada loo maareeyo, loona ogaado qashinka maalin kasta gaadha labada goobood ee waaweyn ee Qashin-qubka, Waqooyiga iyo Koonfurta Hargeysa.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay qorsheyaal lagu horumarinayo goobaha qashinka lagu shubo, si ay u noqdaan goobo casri ah, nadiif ah, oo aan lahayn qiiq, ur xun, dareere wasakh ah ama olol, si looga hortago waxyeellada caafimaad iyo deegaan ee bulshada ku sugan xaafadaha magaalada.

Maayerka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, oo soo xidhay kulanka ayaa uga mahadceliyay dhammaan daneeyayaasha ka qaybgalay, isaga oo xusay in xogtan cusub ay noqonayso saldhig muhiim ah oo lagu hago qorshayaasha horumarineed ee nadaafadda iyo deegaanka magaalada Hargeysa.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in dawladda hoose ay ka go’an tahay in la casriyeeyo nidaamka qashinka, la wanaajiyo adeegyada dhamayska, lagana hortago dhibaatooyinka caafimaad iyo deegaan ee ay keento maarayn la’aanta qashinka.

“Xogtani waxay noo sahlaysaa inaan si cilmiyaysan u qorshayno mustaqbalka nadaafadda Hargeysa. Waxaan rabnaa magaalo nadiif ah, caafimaad qabta, oo bilic leh, taasina waxay u baahan tahay wadajirkeena oo dhan,” ayuu yidhi Duqa Hargeysa.

Mashruucan xog ururinta iyo qorshaynta cusub ayaa salka ku hayaa sidii loo xidhi lahaa goobihii hore ee qashin-qubka (Old Dumpsites), si loogu beddelo dhul nadiif ah oo dhiraysan iyo sidii loo hirgelin lahaa nidaamka cusub ee casriga ah ee “New Landfill System”, kaasi oo yeelan doona xayndaab ammaan ah, qaybaha kala soocidda qashinka, iyo nidaam dib-u-wershadaynta waxyaabaha dib loo isticmaali karo.

Sidoo kale in guryaha iyo ganacsiyadaba laga dhaqangeliyo nidaamka kala-soocidda qashinka, si qayb walba loogu geeyo meeshii ku habboon.

Nidaamkan cusub ayaa la filayaa inuu wax weyn ka beddelo nadaafadda, caafimaadka deegaanka, iyo bilicda guud ee caasimadda Hargeysa.

Xog ururintan iyo qorshaynta cusub waxaa si wadajir ah u fuliyay dawladda hoose ee Hargeysa iyo Hay’adda UN-Habitat, gaar ahaan barnaamijkeeda Waste Wise Cities Initiative (WWCI).
Iskaashigan ayaa qayb ka ah dedaallada caalamiga ah ee lagu yareynayo wasakhowga magaalooyinka iyo kor u qaadista maaraynta waarta ee qashinka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay daneeyayaal muhiim ah oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adaha, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen, shirkadaha Nadaafadda ee Magaalada, shirkadda Medical Urban Waste, bir-libaaxlayaasha (metal recyclers), ururka Dhallinyarada ee SONYO, ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ururka Future Guardians, jaamacadda CSI University, Rugta Ganacsiga (Chamber of Commerce), Hay’adaha VNG International iyo UN-Habitat iyo sidoo kale waaxyaha Arrimaha Bulshada, Maareynta Khataraha, Masiibooyinka iyo Nabadgelyada iyo xubno kale oo ka socday qurbojoogta iyo bulshada rayidka ah.