Wargeyska CaughtOffside ayaa soo wariyay in weeraryahanka Manchester United Joshua Zirkzee in aanu ka tagi doonin Old Trafford suuqa kala iibsiga ee January, inkasta oo uu xilli ciyaareedkan fursado aad u yar helay.
Weeraryahanka 24 jirka ah ee reer Netherlands ayaa shan jeer oo keliya u ciyaaray United ilaa hadda, isaga oo aan hal kulan kusoo bilaaban horyaalka, xaalad adag oo ku soo beegantay iyadoo Koobka Adduunku soo dhow yahay xagaaga dambe, maadaama uu u baahan yahay inuu si joogto ah u ciyaaro si uu u xaqiijiyo booskiisa xulka Netherlands.
Warbixintu waxay xustay in joogista Zirkzee ay si toos ah ugu xidhnaan doonto baahida kooxda ee qoto-dheeraanta safka, maadaama ciyaartooy muhiim ah sida Bryan Mbeumo ay maqnaan doonaan intii uu soconayo Koobka Qaramada Afrika, halka Benjamin Sesko uu weli dhaawac ka soo kabanayo, taasoo ka dhigaysa mid muhiim ah in Zirkzee la haysto xilli ciyaareedkan inkastoo uu ciyaaro kooban helay.
Zirkzee muu dhalin hal gool oo Premie League ah muddo ku dhow sanad, waxaana muuqata in bixitaankiisu xagaaga dambe uu noqon karo ikhtiyaarka ugu macquulsan. Hase yeeshee, ilaa January, waxa uu ku qasban yahay inuu ka faa’iidaysto fursad kasta oo uu helo.
Waxaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay yimaadaan isbeddello iyo dhaqdhaqaaqyo ku saabsan mustaqbalkiisa, iyadoo si dhow loola socon doono xaaladdiisa gudaha Manchester United.

























