Kooxda Liverpool ayaa diyaarinaysa inay xoojiso safkeeda iyadoo doonaysa weeraryahan cusub oo noqon kara beddelka xiddiga reer Masar, Mohamed Salah, sida uu qoray bogga Fichajes.
Magaca sida wayn looga hadal hayo Anfield waa weeraryahanka Faransiiska Michael Olise, waxaana kooxda cas ku talo jirtaa inay la soo saxeexato xagaaga soo socda si uu qayb uga noqdo mashruuca cusub ee Slot.
Olise oo 23 jir ah ayaa haatan ku jira xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa xirfaddiisa isaga oo Bayern Munich ka tirsan, wuxuuna noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu saamaynta badan Yurub. Waxaa loo arkaa ciyaaryahan ku habboon mustaqbalka dhow iyo kan fogba, maadaama uu awood u leeyahay hoggaaminta weerarka iyo inuu qaado mas’uuliyadaha gool dhalinta, taas oo ka dhigaysa doorashada koowaad ee Liverpool haddii Salah uu baxo.
Bayern Munich ayaa dhankeeda sheegaysa in Olise aanu iib ahayn, maadaama uu si weyn u bandhigay tayadiisa tan iyo markii uu yimid Bundesliga, waxayna kooxda reer Bavaria ka biyo-diidan tahay in la aqbalo dalab kasta oo aan gaadhayn qiime lacageed oo aad u weyn. Liverpool se waxay qiyaasaysaa in dalabkeedu gaadhi karo €200 milyan, taas oo noqon doonta maalgashiga ugu ballaaran ee taariikhda kooxda.
Fursadda uu Salah ku bixi karo ayaa kordhaysa maadaama ay xiisaynayaan kooxo Sacuudiyaan ah, halka taasi ay Liverpool u furi karto waddo ay ku keensato ciyaaryahan isla markiiba saamayn yeesha oo leh hoggaamin weerar iyo awood gool dhalin, astaamo uu Olise leeyahay, sida lagu sheegay isla warbixinta.
Dhanka kale, Liverpool ayaa si dhow ula socota dhaq-dhaqaaq kasta oo la xidhiidha xiddiga reer France, halka Bayern Munich ay ku adkaysanayso in aanay fasixi doonin haddii aanay helin dalab lacageed oo aan wax laga qaban karin, iyagoo doonaya inay sii haystaan xiddigooda xilli ay u diyaar garoobayaan inay kusii tartamaan koobabka Yurub

























